3:05 am - Sunday June 25, 2017

Thiago Silva oo sababay inay baaqato xafladii dabaal degga horyaalka Ee Paris Saint-Germain

Aidarous

Gool uu iska dhaliyey ciyaaryahanka difaaca ah ee Thiago Silva ayaa todobaad kale dib u dhigay xafladii dabaal degge ee ay kooxda Paris Saint-Germain ugu dabaal degi lahayd hanashada horyaalka Ligue 1 ee wadanka Faransiiska, kadib markii ay isla dhaafi waayeen 1-1 naadiga Sochaux.

Naadiga horyaalnimada difaacanaya ayaa soo gallay garoonka iyagoo maanka ku haya in guul ay ka gaadhaan ciyaarani oo kali ahi uu ka xigo damaashaadka Horyaalkii Afraad ee wadanka France, laakiin kooxda tababare Laurent Blanc waxay ka dareereen garoonka Stade Auguste Bonal iyagoo ka xun qaab ciyaareedkii liitay ee ay soo bandhigeen.

PSG ayaa u muuqatay mid guusha hanatay kadib markii weeraryahanka Edinson Cavani uu hogaanka ciyaarta u gacan galliyey badhtamihii qaybtii koowaad ee ciyaarta.

Laakiin kooxda caasimada Paris ka dhisani way awoodi weyday inay ka sii kordhiso goolkaas qudha, waxaana u suurto gashay kooxda Sochaux inay barbareeyaan kadib markii uu Silva shabaqiisa kubad ku leexiyey bilowga qaybtii labaad ee ciyaartaba.

Ciyaartuna waxay ku soo gabo gabowday 1-1 ay isla dhaafi waayeen PSG iyo Sochaux.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

City Oo Ku Tumatay Crystal Palace & Yaya Toure Oo Kor U Qaaday Rajadii Paligrini

Ljungberg oo booqday Iskuulka Kubada Cagta Arsenal Ku Leedahay Dubai (Sawiro)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: