10:27 am - Sunday June 25, 2017

Thierry Henry Oo Qaawiyey Go’aamada Liita Ee Tababare Conte

Abdiwahab Ahmed

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka France iyo Arsenal ee Thierry Henry ayaa dhalleeceeyey go’aamadii iyo maamulkii tababare Antonio Conte ee ciyaartii Liverpool ku qaawisay ceebihiisa.

Ciyaartooyada Pedro, Moses iyo Fabregas oo u taagan beddel daqiiqaddii 84aad

Ciyaartooyada Pedro, Moses iyo Fabregas oo u taagan beddel daqiiqaddii 84aad

Antonio Conte oo illaa bilowgii qaybtii hore laga gacan sarreeyey ciyaarta ayaan wax beddel ah samaynin illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 84aad, markaas oo uu isa soo raaciyey saddex ciyaartoy oo hal mar garoonka soo wada galay, kuwaas oo kala ahaa Victor moses, Pedro iyo Cesc Fabregas, isagoo saaray Nemanja Matic, Willian iyo Oscar, laakiin maadaama oo beddelkoodu yimid wakhti ciyaarta ay ka hadhsanayd wax ka yar 10 daqiiqo, way u suurtogeli weyday inay kooxdooda goolal ku soo kordhiyaan.

Intii ay ciyaartu socotay, gaar ahaan qaybta dambe, waxa la isweydiinayey sababta uu tababare Conte u beddeli la’yahay ciyaartoyga beddelka u baahan ee daalay, laakiin taasi may dhicin illaa dhamaadku soo dhowaanayey.

Haddaba, Thierry Henry ayaa weeraray go’aamadii tababaraha ee uu ku dhegsanaa in ciyaartoyga gudaha ku jira uu u daayo ciyaarta, aakhirkii markii ay u muuqatay in aanay goolal keeni karinna uu wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen beddelka keenay.

Henry oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi: “Haddii aan daacad u hadlo, toddoba daqiiqo ayaa ciyaarta ka hadhay saddex wiilna way soo galeen. Waxay qaban karaan?

“Ma fahmi karayo sababta saacad kaddib ama daqiiqaddii 65aad uu u keeni waayey Batshuayi ee uu ugu ciyaari waayey laba weeraryahan. Waxay wakhtigan ila tahay in ay aad u habsaameen oo dhamaadkii ay beddelka samaynayaan” sidaas ayuu yidhi Henry.

Liverpool ayaa bandhig ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay Jimcihii, iyadoo goolka koowaad uu bilowgiiba u saxeexay Dejan Lovren, goolka labaad oo qurux badnaana uu shabaqa ku hubsaday Hordan Henderson.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Goolkii Uu Henderson Ka Dhaliyey Chelsea Oo Qabsaday Baraha Bulshada, Gerard Oo Hormood u ah Dadka Iyo Waxyaabaha Laga Calaamadiyey

Ciyaaraha Maanta Iyo Caawa Tooska looga daawan Doono Cadalool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: