Tirada Dadkii Daawaday Ciyaartii Russia iyo Saudi Arabia, Madaxdii Ka-qaybgashay Iyo Dhacdooyinkii Laga Ururiyey

Koobka Kubadda cagta Adduunka ayaa si rasmi ah uga bilaabmay waddanka Ruushka, halkaas oo xaflad ballaadhan oo ay kasoo qayb-galeen madax badan lagu daahfuray inuu bilowday tartanka ugu xamaasadda badan dunida.

Madaxweynaha waddanka Ruushka ayaa wakhti hore iska soo xaadiriyey garoonka, waxaana uu si diirran usoo dhoweeyey dhaxal-dugaha boqortooyada Sucuudiga Carabia, madaxweynaha FIFA, xubno sarsare oo ka socday waddamada ka qayb-gelaya tartanka oo hoggaamiyeyaashoodu ay arrimo siyaasadeed u diideen inay u taagaan Ruushka iyo ciyaaryahannadii hore ee caanka ahaa qaar ka mid ah.

Xafladda ayaa ka dhacday garoonka Luzhniki Stadium ee ku yaalla Magaalada Moscow, waxaana qoob ka ciyaar, ciyaaraha dhaqanka Ruushka iyo indho-sarcaad ku daahfuray kooxo lasii diyaariyey oo uu ka mid ahaa heesaaga caanka ah ee Robbie Williams oo u dhashay waddanka Ingiriiska.

Sida ay FIFA shaacisay garoonka ayaa waxa kasoo xaadiray dad ay tiradoodu ahayd 78,011 qof, taas oo ka dhigan in ciyaartan oo Ruushku 5-0 ku jiidhay Saudi Arabia ay dad aad u badan daawadeen.

Koobka Adduunka oo tirada kulamada dhacaya ay yihiin 64 ciyaarood ayaa lagu kala qabanayaa 12 garoon oo ku kala yaalla 11 magaalo oo waddanka Ruushka ah, waxaana ciyaarta finalku ay dhici doontaa July 15.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.