Tottenham Oo daraasaad ku samaynaysa suurto-galnimada in Moyes loo dhiibo kooxda

Kooxda Tottenham Hostpur ayaa daraasaad ku samaynaysa heshiis ay la gaadhaan tababaraha reer Scotland “David Moyes” oo dhawaan laga Eryey  kooxda Manchester United, iyagoo ku bedelaya Tim Sherwood marka xili ciyaareedkani dhamaado.

Moyes waxaa xilki tababaranimo ee Man United laga qaaday Salaasadii  hore, 10-bilood kadib marki kooxdu ka quusatay inay u soo baxdo tartanka Champions League, waxaana si ku meel-gaadha loogu dhiibay Ryan Giggs.

Tottenham waxay iska Eriday bilowgi xili ciyaareedkan tababare Vilash Boash, iyadoo lagu bedelay Tim Sherwood oo xiligan kooxda haya, laakiin qanaac weyn aan lagu qabin, maadaama kooxda uu u soo saari waayay Champions League.

David Moyes oo xili ciyaareed qaab daran la qaatay Man United, waxaa si aada ugu qanacsan madaxweynaha Tottenham Daniel Levy, waxaana laga yaabaa inuu la soo saxeexdo xagaagan heshiis.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Mourinho oo ku dhawaaqay in Hazard iyo Terry ka Maqan Yihiin kulanka Anfield 

Maxaad kala Socotaa kooxaha ugu saameynta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyga ?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com