3:03 pm - Monday August 23, 4917

Tottenham Oo Tababare Cusub Loo Dhiibay

Aidarous

Tottenham ayaa xaqiijisay in Mauricio Pochettino ay u caleemo saartay tababaraha cusub ee kooxda.

Tababarahan reer Argentina ayaa iska casilay shaqadiii tababarenimo ee uu ka hayay naadiga Southampton, halkaas oo uu mudaddii uu joogay ka hir galliyey kubad qurux badan iyo dhalinyaro ciyaaryahano xulka Ingiriiska Mustaqbal fiican ku leh.

Pochettino ayaa Spurs la saxeexday heshiis shan sanno ah oo uu guri ka dhigan doono garoonka White Hart Lane, waxaanu shaqadan kala wareegayaa khabiirkii hore ee Tim Sherwood.

“ Naadigu wuxuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo magacaabista Mauricio Pochettino loo magacaabay tababaraha cusub ee shanta sanno ee soo socota kooxda hogaamin doona.” Ayaa lagu yidhi – warsaxaafadeed rasmi ah oo lagu baahiyey boga internet ka ee kooxda Tottenham.

“Kooxdani waa koox weyn oo leh taariikh qadiim ah ,sharaf baanay ii tahay inaan noqdo tababareheeda.’ Ayaa isna laga qoray tababaraha cusub

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Shil Dhaawacyo Sababay Oo Ka Dhacay Xerada Tababarka Xulka Germany

Yaya Toure: Sharaf bay ii ahaan lahayd haddaan ku biiri lahaa PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: