Tottenham oo bad-baadsatay booska Europa League

Tottenham ayaa ku guntatay booskeeda isreeb reebka Europa League kadib markii rajadeedii Champions League ku soo xidhay guul muhiim ah oo ay kaga dul talaabsatay kooxda CSKA Moscow.

Spurs, oo u baahnayd guul kaliya si ay kaalinta saddexaad ee Group E u cidhiidhsato, ayay rajadaasi mugdi ka gashay markii Alan Dzagoev uu ka dhaliyey goolkii furitaanka.

Laakiin Dele Alli, oo hore u khasaariyey laba fursadood oo qaali ah, ayaa ka faa’iideeyey kubadd uu soo jebiyey Christian Eriksen goolkii barbar dhaca, ka hor intii aanu Harry Kane sida quruxda badan u dhamaystirin goolka ay Spurs hogaanka ciyaarta ku qabatay.

CSKA goolwadeheeda Igor Akinfeev ayaa ugu deeqay Spurs gool saddexaad markii uu si khalad ah shabaqiisa ugu dhex riday kubbad uu ku soo madaxeeyey Alli.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Borussia Dortmund Oo Wacdaro Ku Dhigtay Real Madrid – Kaalinta 1 aad Ee Groupkana Ku Baxday

Porto Oo Guuldaradii Ugu Xumayd ee Koox Ingiriis Ah 61 Sano Ka Soo gaadha CL U Xambaarisay Leicester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com