Totti - 'Zanetti Wuxuu Dhamaantayo Noo Yahay Hogaamiye & Halyey'

Totti – ‘Zanetti Wuxuu Dhamaantayo Noo Yahay Hogaamiye & Halyey’

Francesco Totti ayaa ku sifeeyey ruug cadaaga naadiga Inter ee Javier Zanetti inuu ahaa “Halyey” xili uu laacibka reer Argentina isu diyaarinayo inuu ciyaartii ugu dambeysay ee kooxdiisu ku yeelato garoonkeeda u safto.

Zanetti ayaa ka fadhiisanaya kubada cagta kadib 19 sanno oo uu ku qaatay San Siro, mudadaas aadka u dheerna naadiga kula guulaystay shan horyaal oo Seria A ah, Affar Coppa Italia ah iyo hal koob oo Champions League.

Ciyaaryahanka weyn ee Totti, oo laftiisu mudo ku dhow taas Zanetti ku qaatay Roma, ayaa boga uu ku leeyahay internet ka ku daabacay qormo uu ku macasalaamaynayo laacibkan sii socda ee 40 jirka ah.

“Ciyaaryahanada sida Javier oo kale ahi, maaha oo kaliya astaan ama calaamad ku suntan koox kaliya oo ay mudo dheer joogeen,” ayuu yidhi.

“Laakiin waa hormuudo dhab ah oo baal dahab ah kaga qornaan doona taariikhda kubada cagta, hab dhaqankoodii, xirfadoodii iyo had iyo jeer siday ugu lebisnaan jireen funaanada ciyaaraha.

“‘Pupi’, waxaan kuu hayaa salaan kal iyo laab ah iyo mahadnaq aan kaaga mahadinayo shaqadii aad ku lahayd dunida kubada cagta.

“Waxaad noo tahay dhamaantayo halyey.”