Turkey: Ciyaartooyada Fenerbahce Oo Rasaas lagu Weeraray Iyo Dhaawac Cisbitalka La dhigay

Madaxweyne Racep Tayyib Ordogan iyo Ra’iisal Wasaare Ahmed Davutoglu oo Dhalleeceeyey falkan foosha xun

Koox shufto aan la aqoonsanin ayaa weerar ku qaadday bas ay saarnaayeen ciyaartooyada kooxda ka dhisan wadanka Turkey ee Rizespor halkaas oo lagu furay rasaas aan loo aabbo yeelin.

Dirawalkii waday gaadhiga baska ah ee ay saarnaayeen ciyaartooyada Fernerbahce ayaa dhakhtarka loola cararay kadib markii ay haleeshay mid ka mid ah xabbadihii lagu riday.

Ra’iisal wasaaraha wadanka Turky Ahmed Davutoglu ayaa u sheegay warbaahinta in uu socdo baadhitaan lagu samaynayo ciddii geysatay falkaas oo sida la aaminsan yahay ay sameeyeen taageereyaasha kooxda martida loo ahaa ee Rizespor.

Fnerbahce ayaa marka weerarka lagu qaaday waxay ku socdeen madaarka magaalada Trabzon kadib markii ay kooxda ka dhisan magaaladaas ee Rizespor ku soo xasuuqeen 5-1.

Xoghayaha xidhiidhka kubadda cagta ee Turkey, Mahmut Uslu ayaa dhalleeceeyey dhacdadan, waxaanu ku tilmaamay in ay tahay mid khalad ah.

“Halkan waxa aanu u nimid ciyaar; waxa aanu u nimid in aanu ciyaarno kubadda cagta.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha gobolka Trabzon oo ku yaalla woqooyi-bari ee dalka Turkey, Abdulcelil Oz ayaa sheegay in markii hore ay moodayeen in baska la shiiday isla markaana dhagax lagu weeraray, hase yeeshee ay markii dambe xaqiiqsadeen in rasaas lagu weeraray.

“Markii dambe xaaladdu waxay u muuqatay in rasaas ay tahay” sidaas ayuu yidhi Abdulcelil Oz.

Madaxweynaha wadanka Turkey, Recep Tayyip Erdogan iyo taageereyaasha kooxda Fenerbahce ayaa ugu baaqay badhasaabka gobolkaas in uu degdeg baadhitaan habaysan ugu sameeyo dhacdadan naxdinta leh.

Fenerbahce waxay difaacanaysaa horyaalka dalkaas, iyadoo 19 jeer ku guuleysatay horyaalka dalkeeda, iyadoo ay haddana u ciyaaraan xiddigaha Dirk Kuyt, Raul Meireles iyo Emre.

Fenerbahce oo ka dhisan magaalada Istanbul ayaa waxa ay Sabtida soo socotay wada ciyaari doonaan Galataray oo hal dhibic ka hoosaysa.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Funaaanada Bale U Xidhan Doono Chelsea Sanadka Dambe Oo Suuqa Soo Gashay

UK: Ciyaartoy Caan ah Oo Xanuunka HIV/AIDS uga baxay ciyaaraha

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com