Turkish Super Lig Oo Todobaad Ciyaarihiisa La Hakiyey Kadib Toogashadii Fenerbahce

Horyaalka wadanka Turkiga ee ‘Turkish Super Lig’ ayaa la hakiyey todobaad ciyaarihii dhici lahaa sababo amni oo la xidhiidha weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday buska ciyaaryahanada naadiga Fenerbahce ee uu dirawalkii ku dhaawacmay darteed.Turkish Super Lig oo loo hakiyey ku

Buskii ay saarnaayeen ciyaaryahanada kooxda ayaa waxaa weeraray dablay qoryo ku hubaysan iyagoo ku gudo jira safarkii ay kaga soo noqdeen ciyaartii 5-1 ka ay kaga soo badiyeen naadiga Rizespor Sabtidii, kaas oo cusbitaalka loo dhigay dirawalkii buska waday oo madaxa dhaawac ka soo gaadhay shilkaasi.

Fenerbahce ayaa baahisay warsaxaafadeed ay ku codsanayso in tartanka hakad la galliyo inta ay socdaan baadhitaanada lagu xaqiijinayo sababtii weerarkaas ka dambeysay, waxaanay ku yidhaahdeen warsaxaafadeedka sidatan: “Waa dhamaadkii kubada cagta marka dhiig lagu daadinayo. Fenerbahce ujeedadeeda ugu weyn waa in la soo qabto cidii ka dambeysay falkaas si degdeg ahna ciqaab loo mariyo.”Turkish Super Lig oo loo hakiyey k

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Turkiguna waxay daboolka ka qaadeen in la baajiyey ciyaarihii todobaadkan dhici lahaa oo ay ku jiraan ciyaaraha Quarter Finalka koobka koobabka Turkiga oo isla todobaadkan la ciyaari lahaa.

Gudoomiyaha xidhiidhka , Yildirim Demiroren Ayaa ku dhawaaqay maalinimadii Isniinta sidan: “Naadiyada tartanka Super Lig ayaa naga codsaday in la hakiyo ciyaaraha mudo todobaad ah, anaguna codsigaas dartii ayaanu u go’aan sanay in la baajiyo.”

Fenerbahce ayaa qorshuhu ahaa inay Arbacada la ciyaarto kooxda Mersin Idmanyurdu Kulan Turkish Cup-ka ah, halka Super Ligahana ay garoonkeeda ku marti gallin lahayd naadiga Bursaspor markay taariikhdu tahay April 13.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona: 19 Ciyaarood Ayay Guuleysatay 20-kii kulan ee u dambeeyey

Garsoore Argentini Ah Oo Lagu Ganaaxayo Go’aan Adag Oo Uu Ku Fuliyey Dib-u-Milicsiga Muuqaalada Tv-yada

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com