11:33 am - Friday June 23, 2017

UEFA Maku Ganaaxi Doontaa Bayern Munich Qoraaladii Aflagaadada Ahaa Ee Taageerayaasheedu Soo Bandhigeen Ciyaartii Arsenal

Aidarous

Boodhkii Taageerayaasha Munich

Kooxda Bayern Munich ayaa laga yaabaa inay ganaax ku mutaysato kadib markii qaar kamid ah taageerayaasheedu maro ay ku soo xardheen sawir iyo qoraal aflagaado ah ku soo bandhigeen garoonka Aliez Arena ee magaalada Munich oo ay xallay ka dhacday kulanka is aragii labaad ee kooxaha Munich iyo Arsenal oo ka tirsanayd Horyaalka Champion ka .

In kastoo kooxda Munich habeenkii xallay ahaa ay ka reebtay kooxda Arsenal tartanka Horyaalka Yurub , una gudubtay rubuc dhamaadka , hadana waxa la soo bandhigay muuqaalada tabeelaha ay ku qoran yihiin xarfaha aflagaada ah ee ay taageerayaasheedu haysteenb.

Taageerayaasha Bayern ayaa maro weyn ku soo qoray ‘ Gay Gunners ‘  kuna soo sawiray astaanta naadiga Arsenal , taas oo si weyn loo filayo inay u horseedo naadiga Germalka ah ganaax aan la garanayn waxa uu noqon doono , maadaama naadiyo badan hore loogu soo ganaaxay , qoraalo aflagaado ah oo ay garoonka keeneen taageerayaashoodu.

Kooxda Bayern Munich ayaa habeenkii xallay ahaa barbaro 1-1  ah la gashay kooxda Gunners ,  waxaanay celcelis ahaan 3-1 ugu gudubtay rubuc dhamaadka horyaalka Yurub ee Champions League, maadaama oo ay lugtii hore 2-0 ugaga soo adkaatay garoonka Emirates ee magaalada London.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

‘ Messi Iyo Neymar Mar walba Guusha Laguma Halayn Karo …….’ Martino

Athletico Madrid Oo Ku Tumatay Ac Milan Iyo Wacdarihii Garoonka Vicent Calderon

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: