Uefa Oo Afar Kooxood Ganaaxaysa

Hull City iyo Panathinaikos ayaa kamid ah afar kooxood oo xidhiidhka kubada cagta Yurub ku ganaaxayo inay jebiyeen xeerka u yaala lacagaha kooxuhu ku kharash garayn karaan iibka iyo mushaharaadka ciyaaryahanada.Uefa oo afar kooxood ganaaxaysa

Golaha dhexe ee xidhiidhka kubada cagta qaarada Yurub ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inay dhamaystirayaan baadhitaanadii ugu dambeeyey ee lagu samaynayo dhaqaalaha ay kharash gareeyeen kooxo dhawr ah oo ay kamid yihiin Hapoel Tel-Aviv iyo Ruch Chorzow kuwaas oo lagu hellay inay dhaafeen heerkii loogu tallo gallay oo ay xadka ka baxday kharashka ay bixiyaan.

.Dhamaan afarta kooxood ayaa qalinka ku duugay natiijada baadhitaanadii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey oo macneheedu yahay inay ogol yihiin inay qabaan dambiga ah inay ku xad gudbeen xeerarka UEFA, sidaana waxaa daboolka ka qaaday qoraal rasmi ah oo Uefa baahisay.z35W7z4v9z8w

“Mid kasta oo kamid ah warbixinta kama dambeysta ah ayaa ay ku jireen meelaha ay xeer jebinta ku sameeyeen iyo talaabooyinka sharciga ka hor imanaya ee ay ku kaceen, kuwaas oo koox kasta looga baahan yahay inay ku soo cadeeyeen ka hor oo aanay ka dambeyn 31 December 2015 si loo gaadho goaamada kama dambeysta ahee waafaqsan sharciga  Uefa iyo xeerarka dhaqaale kharash gareynta kooxaha , iyo hantida ay bixinayaan, iyadoo ay koox kastaa aqbashay inay si bilaa shuruud ah ku soo bixiso lacag dhan €200,000.”

Kooxo ayaa laga mamnuuci karaa ka qayb galka tartamada Yurub ee Champions League iyo Europa League jebinta xeerka “ FFP regulations” darteed, halka Manchester City iyo Paris Saint-Germain ay sidoo kale bogaga hore ku soo bexeen in lagu ganaaxay mid kasta €50 million oo ganaax ah. Labada kooxood ee awood badan ayaa qasab lagaga dhigay inay dhimaan tirade kooxda ciyaaryahanada ah ee uga qayb gallaya tartamada Yurub xili ciyaareedkan 2014-15.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Garoon cusub oo kubadda cagta ah oo laga furay magaaladda Hargeysa + Sawirro

Ma Dhabbaa In Khedira Heshiis La Galay Schalke?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com