Utah Jazz Oo Guul-darro Xanuun Badan U Xambaarisay Cleveland Cavaliers

Kooxda Utah Jazz ayaa guul-darro xanuun badan dusha ka saartay kooxda hoggaanka bariga haysa ee Cleveland Cavaliers oo ay waaberigii isku haleeleen ciyaar aad loola dhacay.

Kulankan oo ay ka dhex muuqdeen xiddigaha Cleveland ee James, Irving iyo Love ayaa waxa ka soo baxday natiijo ay ku diirsadeen Utah Jazz, taas oo qaybtii hore laga badiyey laakiin qaybta labaad shaqaysatay dhibcihii ay guusha ku qaadday.

Qaybta koowaad ayaa waxay ku dhamaatay barbar dhac 29-29 dhibcood ah, laakiin qaybta dambeayaa si ay wax ka noqdeenba waxa hoos u dhac lama filaan ah ay ku habsatay Cavs, waxaanay ku kala baxeen 27 dhibcood oo ay dhashatay Jazz iyo 12 kaliya oo Cavaliers ay la yimaaddeen.

Qaybta saddexaad ayey Cleveland isa soo canaanatay waxaanay ku badisay 19-25 hase yeeshee qaybta u dambaysa ee afraad ayaa mar kale ay Utah Jazz ku badisay 26-25.

Guushan ayaa farxad gelisay kooxda Utah Jazz oo aan ku seexanin inay sidaa fudud uga badinayo Cleveland Cavaliers.

Daawo goolashii ciyaarta

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Watch Full Game Highlights: San Antonio Spurs 107 – 109 Milwaukee Bucks

Portland Trail Blazers Oo Guul Aanay Beryahan Arag Ka Gaadhay L. A. Lakers

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com