Valencia Cadaalad Darro Ayaa Lagu Reebay : Tababare Pizzi

Juan Antonio Pizzi. tababaraha kooxda Vallencia ayaa ku dooday in kooxdiisa cadaalad daro lagu reebay isla markaana aanu sharciga waafaqsanayn goolkii wakhti daayaca ciyaarta ay ugu gudubtay Finel ka Europa League kooxda Sevilla xallay.

4 daqiiqo oo lagu daray ciyaarta ayay Sevilla u suurto gashay inay gool dhaliso , kaas oo meesha ka saaray 3 dii gool ee ay ciyaarta ku hogaaminaysay Vallencia ciyaartii xallay ka dhacday garoonka Mestalla ee Magaalada Vallencia.

“Wax kasta waan samaynay oo aanu helli karaynay, mana jirto dhab ahaan wax dib ugu noqosho dhaliil ah oo ay kooxdaydu lahayd,” ayuu tababaraha Valencia ku yidhi warbaahinta , ciyaarta kadib.

“Waanu keenay wixii aan rabnay inaanu helno iyo ka badanba . Waxaanu u qalanay inaanu u gudubno ciyaarta Finelka. Wax la mid ah dhacdadani kuma cusba oo maaha markii ugu horeysay mana noqon doonto markii ugu dambeysay. waxani waa kubada cagta.”

“Ma doonayo in la iisoo celiyo wax ay la tagtay Sevilla, laakiin waxay ila tahay inaanu samaynay shaqo u qalantay inaanu ku noqono Finelka anagu.

“Cadaaladu badiyaa kama shaqayso kubada cagta dhexdeeda. Laakiin wixii hadda ka dambeeya waxaanu u qalqaalo gallaynaa inaanu saaranay jid wax fiicani nooga soo bixi karaan.”

Sevilla ayaa wajahi doonta Benfica – oo iyaduna xallay dardartay Juventus oo ay isugu soo hadheen 4 ta kooxood ee u dambeeya horyaalka, ciyaarta Finel-ka ah ee Europa League ayaa dhici doonta May 14 keeda.