van der Vaart Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka

Laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Netherland, Rafael van der Vaart ayaa seegi doona ciyaaraha koobka aduunka kadib dhaawac lugta ah oo ka soo gaadhay tababarkii kooxdu ay samaynaysay.

3 jirkan, 109 ka jeer u saftay Holland , ayaa ahaa shaqsiga ugu khabiir san ee ku jira liiska 30 ciyaaryahan ka kooban ee uu tabaabre Louis van Gaal uu u xushay inuu la shirtago koobka aduunka .

Van der Vaart oo ka qayb gallay koob aduunadii 2006 iyo 2010 ayaan lagu arki doonin ka sanadkan ee 23 ka ciyaaryahan ee rasmiga u matali doona xulka midabka Liimiga ah leh oo la filayo in sabtida lagu dhawaaqo.

Xulka Dutch-ka ayaa la filayaa inay ka soo dhex boodaan hormada Group B oo ay kula jiraan qaramada awooda badan ee  Spain, Chile iyo Australia.

Van der Vaart, oo u soo ciyaaray naadiyada Ajax, Real Madrid iyo Tottenham, ayaa u dhutinayay mushkiladi kala soo daristay xili ciyaareedkan oo aad ugu adkaa kooxda uu ka tirsan yahay ee Hamburg, oo kulankii ugu dambeeyey si ay uga badbaado inay u dhaadhacdo heerka labaad , dagaal xoogan la gashay naadiga Greuther Fuerth.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Mulkiilihii Manchester United – Malcolm Glazer Oo Dhintay

Goolwade Cesar Oo Qiray Kubada Sanadkan Lagu Ciyaarayo K-Aduunku Ay Ka Khatar Yar Tahay Tii Sanadkii Hore ee Jabulani

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com