Van Gaal Oo Ku Hamiyeya in uu wakhti Dheer Sii Joogo Manchester United

Louis-van-Gaal

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Louis van Gaal ayaa ogolaaday qorshe ay mulkiileyaasha kooxdu kaga dalbadeen in uu muddo dheer naadiga joogo.

Wargeyska Sunday People ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in tababarahan ruug caddaaga ahi uu doonayo in uu sii joogo naadiga illaa sannadka 2020 kadib kulan ay yeesheen qosyka iska leh Man United ee Glazer.

Wargeysku waxa uu sheegay in mulkiileyaasha reer Maraykankan ay naadigan iska leh ay ka heleen shaqada uu kooxda ka qabtay tababare Van Gaal, isla markaana ay doonayaan in uu sidii Ferguson naadiga muddo badan sii joogo.

Qoyska reer Glazer ayaa soo booqday garoonka Old Trafford iyagoo daawaday ciyaartii ay kooxdaasi ku dubatay Burnley 3-1, waxaana markii ay ciyaartu dhamaatay ay shir la yeesheen Van Gaal oo ay ka wada hadleen mustaqbalka kooxda iyo suurtogalnimada in uu wakhti dheer kooxda joogo, isaga oo dhisaya mid ka mid ah kooxaha dunida ugu awoodda badan.

Wargeysku waxa uu intaa raaciyey, in tababuhu ogolaaday qorshaha mulkiileyaasha.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Milicsiga ciyaarta Chelsea vs Tottenham ee Faynalka League Cup

Wenger: Cadaadis Badan ayaa iga haysta Arsenal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com