van Persie Oo La Baxsaday Tababarihii Culaysku Saarnaa, United-na Ku Daray Liiska Gudbayaasha

Wiilka reer Holland ee Robin van Persie ayaa la baxsaday habeenkii xallay ahaa kooxda Manchester United oo indhawaydba ceeryaan Madoobi dul hoganaysay, Rarkana ka rogay tababarihii Birtu saarnayd ee Moyes, iyadoo  ay sameeyeen Rogaal celiskii ugu qiimaha badnaa kadib markii ay ugu quus gooyeen 3-0 kooxda Olympiakos oo is aragii hore guul 2-0 ah ku naaloonaysay.

Robben van Persie ayaa dhalliyey saddexda gool ee u suuro galliyey Manchester United inay goosato tigidh-ka hormaynta 8 da ee horyaalka Yurub. Goolashaas saddexda ah oo Rajadii Olympiakosna gabalka baas u riday.

Kooxda shayaadiinta dharka cas ayaa habeenkii xallay ahaa looga baqayay inay raacdo jidka kooxihii ka horeeyayba qaadeen ee guuldarada , maadaama ay ciyaartu bilaabatay iyagoo 2-0 lagu leeyahay. Laakiin waxa taas waxba kama jiraan ka dhigay dhiiranaantii iyo dedaalkii dheeraadka ahaa ee ay ku bilaabeen ciyaarta , kaas oo suuro galliyey inay shabaqa taabsiiyaan laba gool oo daran doori ah, ka hor nasashadii ciyaartii ay xallay isku haleeleen United iyo Olympiakos garoonka Old Trafford.

Weyne Rooney oo xallay ma daale ahaa , van Persie oo xidiga ciyaarta ahaa iyo Rayan Giggs oo uu xallay ku bilaabay kulanka iyo goolwade David de Gea oo badbaadiyey kubado khatar badnaa ayaa ahaa furaha guusha  ee xallay iyo wacdarihii garoonka caanka ah ee Old Trafford.