Van Persie: Spain Waa Xulka Ugu Awooda Badan Caalamka

Weeraryahanka xulka qaranka Netherland, Robin van Persie ayaa tilmaamay in qaranka difaacanaya koob aduunka ee Spain uu yahay kan ugu fiican uguna awooda badan caalamka kubada cagta, fariintan cabsida ah oo imanaysa in ka yar 15 cisho ka hor maalinta ay xulkaas iyo koodu fooda isku dari doonaan tartanka koobka kubada cagta oo ah bisha June 13-keedii.

Laakiin van Persie wuxuu dhinaca kale xusay in shaqada adage e dhinaca tababarka ah ee xulkiisu uu samaynayo isagoo ka amar qaadanaya tababarihiisa xili ciyaareedka dambena ku laylin doona Old Trafford ee Louis Van Gaal – in arintaas xal u helli doonto , iska caabinta xulka Spain, meel fiicana ay ka gaadhi doonaan tartanka koobka aduunka.

“Caadiyan, waxaan haysanaa wakhti badan oo aanu qaab ciyaareedka cusub ku horumarinoNormally, imika maalinba talaabo ayaanu ku kordhinaa. Si degdeg ahna waanu u wadnaa hawsha.” Ayuu yidhi.

“Waxaan haysanaa dhawr todobaad, laba ciyaarood oo saaxiibtinimona waa na sugayaan ka hor inta aanaan wajahin kooxda ugu fiican caalamka, aniga aragtidayda, Spain wali waa kooxda ugu fiican aduunka.

“Qaab ciyaareedka aanu kala hortagayno kama hadli karo imika, maxaa yeelay kooxda naga soo horjeeda ayay taasi faaiido u noqonaysaa, waa inay ku war helaan uun marka la is gallo.