Varane Oo Ku Sii Jeeda Chelsea iyo Manchester United Midkood

Difaacyahanka Raphael Varane ayaa shaki ku jiraa in uu sii joogi doono kooxda Real Madrid, waxaana uu ka fikirayaa in uu ka tago kooxda oo uu ku biiro Chelsea iyo Manchester United midkooda sida uu sheegay wargeyska Daily Express iyo Le10Sport.

Warku waxa uu sheegay in uu difaacyahankani ka fikirayo in uu helo boos joogto ah isla markaana ay ku adag tahay in uu beddel suge noqdo iyadoo ay da’diisu tahay 21 jir oo ah wakhtigii uu heli lahaa in uu si joogto ah u ciyaaro. Madrid ayay u egtahay in aanu ka heli karaynin sida uu doonayo sababtoo ah waxa Ramos iyo Pepe ayaa ka horreeya oo uu beddel suge u yahay.

Chelsea ayaa doonaysey in ay difaacyahankan bishii January ay ku iibsato €40 milyan, iyadoo uu tababare Jose Mourinho aqoon fiican u leeyahay ciyaartoygan oo uu ahaa ninkii dunida baray markii uu joogay Real Madrid.

Varane ayaa sida ay wargeysyadani qoreen wuxuu sheegay in ay dhibaato ku tahay sidii uu boos u heli lahaa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

LIVE U Daawo Ciyaarahan Maanta iyo Caawa

Palermo 1-2 AC Milan: Inzaghi Oo Farxad Darteed Garoonka Ku Wareegay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com