7:35 am - Sunday July 23, 2017

Venâncio Casemiro: “Waa Hubaal Cristiano Ronaldo Ayaa Ku Guuleysanaya Ballon d’Or Sannadkan”

Samatar Mohamed

crr-1

Sida la wada saadaalinayo Cristiano Ronaldo ayaa ugu cad-cad inuu ku guuleysan doono abaal-marrinta Ballon d’Or ee sannadkan, maadaama uu ku guuleystay Champions League iyo Euro 2016, laakiin saaxiibkii Venâncio Casemiro ee kala tirsan Real Madrid ayaa shaki la’aan qaba inuu abaal-marrinta hanan doono xiddiga reer Portugal.

Inkasta oo uu laacibka reer Brazil sheegay in Ronaldo uu ku guuleysan doono laacibka dunida ugu wanaagsan ee Ballon d’Or sannadkan, laakiin waxaana uu ka tegin Neymar JR oo uu ku sheegay in sannadihiisu iman doonaan.

304358_heroa

“Waxaan Neymar garanayay tan iyo yaraanteenii” Casemiro ayaa sidaa u sheegay Radio Show El Transistor. “Waa ciyaar yahan weyn. Wixii uu Cristiano Ronaldo sameeyay 10-kii sanno ee la soo dhaafay waa la xusuusnaan doonaa abid”.

Wuxuu aakhirkii hadalkiisi ku soo koobay “Neymar JR wuxuu heerkaa joogay 3 ama 4 sannadood. Cristiano Ronaldo isna 10 sannadood, weli wuu ka horeeyaa Neymar. Cristiano  Ronaldo  ayaa ku guuleysan doona markale Ballon d’Or sannadkan, sababta oo ah sannadka uu haysto, Champions League iyo Euro, waa hubaal”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kulanka El Clasico Oo La Shaaciyay Wakhtiga La Ciyaarayo & Dalka Ingiriisnka Oo Aan Laga Daawan Doonin

Gerard Pique Oo Dhabadda Saaray Talaabadda Koowaad Ee Uu Madaxweynaha Barcelona Ku Noqon Lahaa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: