3:03 pm - Sunday August 23, 5412

Vermaelen: “Ciyaartooyda Arsenal waxay doonayaan in Arsene Wenger uu sii joogo kooxda”

Aidarous

arsene-wenger-arsenalDifaaca kooxda Arsenal Thomas Vermaelen, ayaa ka dhawaajiyay in ciyaartoyda kooxda Arsenal ay doonayaan in macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger uu sii joogo kooxda waqtiga ugu dheer, isla markaana ugu macquulsan.

Wenger ayaa weli kooxdiisa Arsenal u saxeexin heshiis cusub si uu baaqi ugu sii ahaado garoonka Emirates Stadium, laakiin Vermaelen ayaa aaminsan in kooxdiisa ay qaadi doonto talaabo sax ah oo ku aadan sidii Wenger ay ugu sii hayn lahayd magaallada London “Qof kasto naga mid ah wuxuu doonayaa in Wenger uu muddo dheer sii joogo halkan, maxaa yeelay? wixii uu kooxda iyo weliba ciyaartooyda u qabtay ayaa ah wax Qeyral caadi ah” ayaa The Mirror ka soo xigatay difaacan heerka caalami ee xulka qaranka Belgian “Runtii waan ku farxi lahayn haddii Wenger uu saxeexi lahaa dhowr sanno kale”

Si kastaba, hadalka difaaca kooxda Arsenal ee Vermaelen ayaa imaanaya xilli haatan Arsenal ay kala horeynta horyaalka Premier League ka fadhiiso booska afraad iyadoo xusid mudan tahay in horyaalka ay kaga dhiman tahay kaliy lix kulan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
3/5 - 1
You need login to vote.
Filed in

Liiska Xiddigaha ugu Oohinta badan oo la soo bandhigay iyo Xiddigan oo qaarkood ciyaaraha ka fadhiisteen

Real Madrid Oo Lacag Badan Ku Doonaysa Coutinho Iyo Suarez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: