7:27 pm - Friday August 18, 2017

Victor Moses: Waxaan Sii Ogaa In Liverpool Horyaalka Qaadayso

Aidarous

Ciyaaryahanka Amaahda kaga soo maqan Chelsea ee la jooga Liverpool, Victor Moses ayaa sheegay in markii koowaad ee uu yimid Liverpoolba uu ogaaday inuu ku soo biiray kooxda hogaanka Horyaalka u qabanaysa.

“Markii ugu horeysay ee aan imid Liverool, ayaan ogaaday in kooxdani doonayso inay horyaalka qaado , xataa hadalkaygii ugu horeeyey ee saxaafada aan siiyey, waan ku sheegay inaanu ku guulaysanayno horyaalnimada, Waxaan tusaale ka qaatay sida adag ee ay ciyaaryahanadu tababarka u qaadanayaan inay tahay mid u horseedaysa ku guulaysiga horyaalka.” ayuu ku yidhi Moses saxaafada.

“Imika waxaanu ku jirnaa kaalin wanaagsan , haddii aanu badino ciyaaraha noo hadhay dhamaantoodna , waxaanu si toos ah u laadlaadsan doonaa koobka.”

Moses oo Liverpool amaah kaga soo qaadatay Chelsea , ayaa u saftay naadiga 20 kulan laakiin dhaliyey kaliya 2 gool.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

David Moyes Oo Ciyaaryahanada Man United Ku Sifeeyey “Haween Galaaftay Shaqadiisa”

Man Utd Oo U Taffo Xaydan Helitaanka – Cavani – Fabregas iyo Luke Shaw

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: