3:03 pm - Sunday August 23, 5068

Vidal: Waxaan Joogayaa Juventus Si Aan Champions League U Qaado

Aidarous

Arduro VidalLaacibka Kooxda Juventus ee Arturo Vidal ayaa soo bandhigay doonistiisa inuu ku sii negaado Juve, si uu u dhamaystiro ballantii ahayd inuu kula guulaysto horyaalka Yurub kooxda reer Turin.

Xi digan 26 jirka ah ayaa sanadkani u ahaa mid aad u weyn, isagoo kooxda u dhaliyey 18 gool, tartamada oo dhan,  kuwaas oo ka qayb qaatay guusha horyaalka Talyaaniga ee ay gaadhay kooxda Juventus. Waxaanay wararka xanta ahi sheegayeen beryahaaba in naadiyada Madrid iyo Barcelona uu ugu jiro qorshaha koowaad ee ciyaaryahanada ay xagaagan soo xero gashanayaan.

Laakiin Vidal ayaa diiday inuu dhag jalaq u siiyo dawanada uga shanqadhaya dhinaca Spain , waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay joogitaanka Juventus , go’aana uu ku gaadhay inuu horyaalka Champion ka kula guulaysto kooxda tababare Antonio Conte.

“Ma dhagaysto dalabyada iiga imanaya Spain, qoys-kayguna waxay ku faraxsan yihiin degenaanshaha Turin. Taasna waxaan ku celceliyey dhawr jeer. Waan ku faraxsanahay joogitaanka halkan.” Ayuu ku yidhi jariidada FourFourTwo.

“Waxaan la joogayaa Juventus, sababtoo ah gudoomiye Andrea Agnelli ayaa iga codsaday koobka Champions Leugue.”

Kooxda Juventus ayaa qarka u saaran ku guulaysiga horyaalkii saddexaad ee Seria A oo xidhiidh ah,  una gudubtay rubuc dhamaadka horyaalka Europa Leugeu kadib markii ay ku soo hadheen wareega groups ka ee Champion ka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester City Oo Old Traford Ku Dubatay Ciidankii Moyes

Chelsea Oo £40m Dul-Dhigtay Diego Costa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: