VIDEO: Dhacdo Naxdin Leh Oo Ka Dhacday Poland – Askari Dab Qabad Siiyey Taageere

Taageere mid kamid ah kooxaha kubada cagta ee wadanka Poland ka dhisan ayaa dab qabsaday oo holacu ku fiday jidh-kiisa kadib markii askari ka tirsan ciidankii amaanka Garoonka sugayay uu ku afuufay ‘Qalabka Ogsajiinta ku camiran” ee loogu tallo gallay in lagu dambiyo “bakhtiiyo holaca waraaqaha ah ee kooban’ .

Intii ay socotay ciyaartii dhex maraysay labada naadi ee Slask Wroclaw iyo Zaglebie Lubin maalintii Sabtidii, taageerahan oo saarnaa birta xayndaabka ah ee garoonka qayb ka mid ah , isla markaana lulaya waraaq ololaysa oo uu xamaasad ahaan korba dhinac gacantiisa ugu leexinayay , ayaa mid kamid ah ciidanka Police ka ee rabshadaha ka hortagaa isku dayay inuu ka bakhtiiyo warqada holcaysa, si aanu rabshad ugu abuurin qofku , laakiin taas ayaa keentay in markii uu buufimada yar ee gacanta lagu qaado (sawirka ka muuqata) uu ku buufiyey uu holacii ku baahay taageerihii , isla markiibana ka soo tuurey birtii shabaga ahayd ee uu dusha ka saarnaa.

Muuqaalka Taageerihii Dabku qabsadayIn kastoo, qof kasta oo arka Sawirku uu argagax ku abuurmayo , hadana xaaladu sidaas waa ka khafiifsanayd ee daawo Video-ga , gaar ahaan, qaybta ‘1:27’ meelahaas markuu muuqaalku marayo , waxa kuu soo baxaya in sawirka la qaaday isla ilbidhiqsigii dabku ku baahay , laakiin qofka taageeraha ahi, markuu dhulka ku dhacay , isla markiiba wuu istaagay, waxaanu u cararay dhinaca dadku fadhiyeen isaga oo u muuqda mid aan waxba qabin .

Halkan ka daawo Video-gii dhacdadaas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Gareth Bale Oo Hanjabaad U Diray Bayern Munich Ciyaarta Caawa Ka Hor

Neymar: dhamaanteen waxaynu nahay Daanyeero

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com