3:03 pm - Friday August 23, 5861

(Video) – Diego Simeone Oo Markii Ugu Horeysay Yeeshay Facebook & Twitter Caruurtiisana Fariintii Koowaad Ka Hellay

Aidarous
(Video) - Diego Simeone Oo Markii Ugu Horeysay Yeeshay Facebook & Twitter Caruurtiisana Fariintii Koowaad Ka Hellay

Diego Simeone ayaa maalintii Khamiistii si rasmi ah ugu biiray malaayiinka qof ee ku cadaloola shabakada bulshada ee Twitter iyo Facebook, bandhigii booqashadiisa koowaadna wuxuu isugu yeedhay saxaafada oo goob joog ka ahayd bar bilowgiisii Baraha Bulshada.

Tababaraha Atletico Madrid ayaa fariintiisii ugu horeysay oo muuqaal ah ‘Video’ ka hellay saddexdiisa wiil oo ka soo muuqday shaashad weyn oo hortiisa taalay.

Ruug cadaagan 44 jirka ah, ayaa dareenkiisu is bedelay isla markaana ilmo ka soo daadatay kadib markii awlaadiisa oo faraxsan , kala soo hadashay wadanka uu u dhashay ee Argentina, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin kalana soo xidhiidhi doonaan wixii hada ka dambeeya Barta Twitter.

‘Imika halkan ayaan kaala socon doonaa Aabo, waxaanan noqon doonaa asxaabtaada’, ayuu yidhi ilmaha ugu yar caruurtiisa oo muuqaal kula hadlayay Simeone oo isna ilka cadaynaya muuqaalkana daawanaya codkana dhegta kala socday alladaha wax lagu dhegayso oo u sudhnayd dhagaha.

 

Daawo  (Video) – Diego Simeone Oo Markii Ugu Horeysay Yeeshay Facebook & Twitter Caruurtiisana Fariintii Koowaad Ka Hellay

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Cristiano Ronaldo iyo Coentreo oo baaburka wada saaran

(Video) Dad Ku Xoomay Ronaldo Hadiyadona Siiyey, Oo Waxba Ka Soo Qaadi Waayay Fabio Coentrao Oo Ay Wada Socdeen

Saxafiga ayaa sida muuqaalkan la duubay ka muuqata is moogaan u jiidhay ina Ibraahim oo haysta gacanta aabihii

(Video) Saxafi Dirqi Kaga Bad baaday Ibrahimovic oo Uu Innankiisa Yar Ismoogaan u Jiidhay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: