Video – Hazard xiddiga Premier Leaguee ee Sannadka – Daawo Bandhig ciyaareedkiisa

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Eden Hazard ayaa ku guuleystay xiddiga sannadka ee horyaalka Premier League. 24 jirkan u dhashay wadanka Belgium oo kooxdiisa u dhaliyey 18 gool dhamaan tartamada xili-ciyaareedkan ayaa waxa uu ka caawiyey kooxda Blues in ay ku guuleysato koobka Capital One Cup, waxaanu ku hoggaamiyey horyaalkii u horreeyey ee ay ku guuleysato intii ka dambaysay 2010 kaas oo la filayo in toddobaad kadib loo caleemo saaro Chelsea. Abaal-marintan ayaa uu ku mutaystay bandhig ciyaarreedkiisii sannadkan oo marka lababar dhigo ciyaartooyada kale uu dhamaantood ka mudan yahay, waxaana xaflad xalay lagu qabtay Hotelka Grosvenor Hotel ee magaalada London lagu guddoonsiiyey abaalmarinta xiddiga sannadka. Hazard iyo kooxdiisa ayaa tartanka oo aan dhammaanin koobka la siin doonaa haddii ay ay badiyaan labada ciyaartood ee Leicester City iyo Crystal Palace. Dareenka Farxadda leh ee Hazard: Markii abaal-marinta la siiyey ayuu Hazard khudbad jeediyey, waxaanu sheegay in ay u tahay habeen farxadeed oo lagu abaalmariyey wixii wanaagsanaa ee uu kooxdiisa u qabtay. “Aad ayaan u faraxsanahay. Maalin ayaan doonayaa in aan noqdo xiddiga adduunka, shaqadii aan qabtay sannadkanna waxay ahayd in aan si fiican u ciyaaray, Chelsea-na aad ayay u fiicnayd. “Ma garan karo in aan u qalmo ku guuleysiga abaalmarinta, laakiin aniga way ii fiican tahay. Waxay u fiican tahay waxa codeeyey ciyaartooyada, kuwaas oo wax walba ka yaqaanna kubadda cagta. Way fiican tahay, aad ayaanan ugu faraxsanahay.” Ayuu yidhi. Hazard 12 bilood ka hor waxa uu ku guuleystay abaalmarinta kale ee ciyaartoyga da’ yarta ee ugu fiican, waxaanu sannadkii xigay ku guuleystay abaalmarinta ciyaartooyada ee PLA, taas ayaana lagu tilmaami karaa in uu sameeyey wax aad u fiican. Laacibka Tottenham ee Harry Kane ayaa isaguna qaatay abaalmarinta ciyaartoyga da’ yarta ee ugu fiican. Abaalmarinta gabadha ugu fiican haweenka sannadkan ee PFA waxa iyadna ku guuleysatay Ji So-yun oo u ciyaarta haweenka Chelsea, iyadoo Leah Williamson oo u ciyaarta kooxda haweenka ee Arsenal ay ku guuleysatay xiddiga da’yarta haweenka ee sannadkan.

Hazard ayaa loo caleemo saaray in uu yahay xiddiga sannadka horyaalka Premier League ugu fiicnaa, waxaana xaflad lagu qabtay London lagu guddoonsiiyey abaalmarinta ciyaartoyga sannadkan.

Haddaba, maxaa lagu siiyey Hazard xiddiga sannadka? Waa su’aal fudud, kaliya ma aha arrimo siyaasadeed hase yeeshee ciyaartiisa ayuun baa la qiimeeyey.

Halkan ka daawo ciyaarihii uu soo bandhigay sannadkan:

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Louis van Gaal: “Ciyaarta Oo Aan Bilaabmin Ayaan Gartay In Manchester Laga Badinayo”

Ethiopia Oo Tababare Cusub U Magacawday Xulka Qaranka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com