Video: Nani Oo Ooyeya Intuu Gool Qurux Badan Dhaliyey

Ciyaaryahanka baasha uga ciyaara xulka Portugal ee Nani ayaa ilmada xejin waayay kadib markii shabaqa ku shubay gool aad u qurux badan ciyaartii Axadii naadiga Sporting Lisbon ay 2-0 ka kaga adkaadeen kooxda Gil Vicente.

Laacibka 28 jirka ah ee amaahda ama deynta kaga maqan kooxda Manchester United, ayaa kubad tuush ahayd oo loo soo tuuray daqiiqadii 68aad ee ciyaarta, ku dejiyey madaxiisa ka hor intii aanu intuu wax yar jiiday kubad aan sina loo qaban karin meel durugsan lugtiisa bidix ugu gannay ulana beegsaday dusha sare ee shaqa taas oo aan fursad haba yaraatee siinin goolwade Adriano Facchini.Nani Cries after Smart Goal 1

Goolkan ayaad dareemi karaysaa macnaha weyn ee uu ciyaaryahanka u sameeyey marka aad halacsato ilmadii farxada lahayd ee ka soo burqatay weeraryahanka, isagoo u dabaal degaya dedaalkaas uu sameeyey.

Nani ayaa hal xili ciyaareed oo amaah ah kula jooga kooxda Sporting laakiin xaqiiqadu ay tahay in laga yaabo inuu halkaas mustaqbalkiisa ku dhamaysanayo maadaama oo inta aynu ognahay aanu boos uga banaanayn kooxda uu horjoogaha u yahay tababare Louis van Gaal.

Halkan ka daawo Sidii Wax u Dhaceen

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Chelsea Oo Rafcaan Ka Qaadatay Casaankii Matic

Cesc visits Barca Stars: Fabregas Oo Booqday Barcelona & kulankii Messi iyo Pique + Sawirro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com