Vidic Oo Dhiiga Shalaqsaday Kulankiisii u Dambeeyey Manchester United

Nemanja Vidic ayaa wejigiisa dhiig qariyey ciyaartii ugu dambeysay ee uu u ciyaaro Manchester United taas oo ay barbar dhaca 1-1 ah la gashay kooxda Southampton gallabta , kadib markii uu isku dayay inuu joojiyey goolkii Lambert ka dhaliyey United.

Manchester United Vidic Oo Dhiiga Shalaqsaday Ciyaartii U DaCiyaaryahanada United ayaa qaylo ooda ka qaaday iskuna dayay inay goolkaas ku shaambadeeyaan xanaaqada laga gallay Vidic laakiin taas waa laga diiday , goolkiina sidiisa ayaa loo qoray.

Manchester United Vidic Oo Dhiiga Shalaqsaday CiyaartiiLaacibka Serbian-ka ah ayaa laftiisu muran xoogan la gallay garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay oo ahaa Mike Dean, laakiin doodaas wax natiijo ahi kama soo bixin.

Vidic ayaa u wareegi doona kooxda Inter Milan ee wadanka Talyaaniga si xor ah , kadib sideed sanno oo uu ku qaatay Old Trafford, mudadaasna kula guulaystay Shan horyaal oo Premier League ah, Champions League iyo saddex koobka koobabka horyaalka ah ‘ League Cups’.