Vilarrubi: Barcelona Iyadaa Cadow Isku Ah

Madaxweyne ku-xigeenka Barcelona, Carles Vilarrubi ayaa sheegay in Barcelona ay leedahay cadow badan laakiin ay dhamaantood yihiin kuwo kooxda gudaheeda jooga oo ka mid ah madaxda sare.

Barcelona ayaa dhibaatooyin badan la soo derseen 12kii bilood ee u dambeeyey, iyadoo xiddiga Lionel Messi marar badan maxkamadda looga yeedhay sababo la xidhiidha cashuuro uu la baxday, kooxda oo laga xayiray in ay ciyaartooyo iibsan karto, xukunno lagu riday madaxweynihii hore ee Barcelona ee Sandro Rosell iyo madaxweynaha wakhtigan ee Josep Bartomeu oo ay ku socoto dacwad la xidhiidha qaabkii uu ku iibsaday Neymar oo musuqmaasuq lagu tilmaamay.

Arrimahan ayuu Vilarrubi sheegay in yihiin kuwo ay ka shaqeeyeen dad gudaha kooxda jooga oo warka u tebinaya booliska iyo madaxda dalka si tallaabo sharci ah looga qaado.

“Cadowgayagu meel kale kama imanayo, halkan ayuu hadda nala joogaa.” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Barcelona, Vilarrubi oo u warramayey Primer Toc.

Mushkiladahan kooxda haysta ayuu sheegay madaxweyne ku-xigeenku in geli doonaan taariikhda naadiga oo muddo dheer la xasuusan doono.

Vilarrubi waxa uu qiray in kooxdiisu ay jid wanaagsan u mari karaysay iibka Neymar, laakiin haddana qaabka ay u mareen aanu ahayn mid khaldan.

“Saxeexa Neymar jid kale ayaa loo mari karayay, laakiin haddana kooxdu wax khalad ah may samaynin.” Ayuu raaciyey.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Miranda Oo Ka Hadlay Xidhiidh Dhex Maray Manchester United

Arsene Wenger Oo Si Xun Uga Cadhooday Dalab ay Manchester City Ku Doondyeso Wilshere

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com