vincent-kompany

Vincent Kompany Oo Todobaadyo Dhaawac Uga Maqnaan Doona Garoomada

Tabobaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa cadeeyey in kabtan Vincent Kompany uu garoomada ka maqnaan doono dhawr todobaad, dhaawac jilibka ka soo gaadhay darteed.

30 jirkan, xulka qaranka Belgium, ayaa garoonka laga dhex qaaday ciyaartii Sabtidii kooxdiisu la ciyaaraysay naadiga Crystal Palace , markii isha jilibku wareegtay.

Guardiola wuxuu sheegay in Kompany uu ku jiro cusbitaal Spain ku yaala halkaas oo lagu dabiibayo, waxaanu intaas ku daray: “Aad buu u murugaysan yahay, laakiin wuxuu ku jiraa gacmihii ugu fiicnaa.”

Kompany, oo laba ciyaarood kamid ahaa kooxda bilowga horyaalka xili ciyaareedka sanadkan, ayaa hore dhaawacyo uga soo gaadheen kuraanta iyo mid kale oo muruqa bawdada ah, isla 2016 uun.

“Waa inaanu isku daynaa inaanu u caawino todobaadba todobaadka xiga, si aanu u xaqiiqsano bal inuu ciyaaro kale sii ciyaari karo,” ayuu yidhi Guardiola.

“Wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa dhawr todobaad, Anigu waan ka xumahay isaguna aad buu uga xun yahay, waayo mudo dheer ayay imika noqonaysaa inta aanu ciyaarin.”