“Wa Been In Wasaaradda Ciyaaruhu Hortaagan Tahay Xafladdii Koobka & Abaal-marrinadii Tartankii Chess-ta, Maalmaha Soo Socda Ayaanu Qabanaynaa…” – Guddoomiyaha Xidhiidhka Chess-ta

Guddoomiyaha xidhiidhka Chess-ta Mr. Mustafe Cabdiraxmaan Sh: Cabdilaahi (Gargaar) ayaa ka war-bixiyey tartan ay u qabteen 14-ka gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ka mid ahaa ama barbar socday tartamadii kala duwanaa ee ciyaaraha gobolada 2016, waxaana uu sidoo kale uu sheegay inay maalmaha soo socda qaban doonaan xafladii lagu abaal-marrin lahaa gobolkii ku guuleystay iyo sidoo kale ciyaartoydii kaalmaha kala galay.

 

Ugu horeyn, Guddoomiyaha xidhiidhka Chess-ta Mr. Mustafe Cabdiraxmaan Sh: Cabdilaahi (Gargaar) ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu 14-ka gobol ee dalku ka kooban yahay u qabanay tartan Chess-ta ah kaas oo kamid ahaa tartamadii kala duwanaa ee tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland 2016, waxa uu tartankaasi noogu qabsoomay si qurux baddan, waxaana uga mahad-naqayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo runtii xidhiidh ahaan si weyn noo barbar taagan, gaar ahaan Agaasimaha Guud Maxamed Dhabeeye. Tartankaasi wuxuu socday muddo laba toddobaad ah, waxaana kulankii Finalka iskugu soo hadhay gobolada Gabiley iyo Xaysimo, waxaana koobkii tartanka ku guuleystay gobolka Xaysimo”.

Guddoomiye Mustafe Gargaar ayaa hadalkiisi sii raaciyey “Waxaanu maalmaha soo socda haddii ALLE idmo aanu qaban doonaa, oo aan qaban-qaabadeedii ku jirnaa xafladii abaal-marrinada iyo koobka aanu ku guddoonsiin lahayn gobolkii ku guuleystay iyo ciyaartoydii kale ee iyaguna dedaalka muujiyey, sidoo kale iyagana waxaanu maamuusi doonaa dadkii sida hagar la’aanta ah noola shaqeeyay muddadii uu tartanku socday”.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Chess-ta Mustafe Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale tilmaamay inay soo badanayaan dhallinyarada baranaysa ciyaartan Chess-ta, ayna soo dhaweynayaan barashadda ciyaartan maadaama oo ay tahay mid maskaxda furfurta “Dhallinyarta ardayda ah ee ciyaartan danaynaysaa aad ayay u soo badanayaan xiisana way u hayaan, waxaan ka xidhiidh ahaana u diyaarinay macalimiin ka taageerta qaabka iyo shuruucda ciyaartan. Sidoo kale waxaa noo qorshaysan in sannadka cusub inaanu diiwaan-gelino heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad maadaama aanu qorsheynay tartamo kala duwan” ayuu yidhi.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha xidhiidhka Chess-ta Mr. Mustafe Cabdiraxmaan Sh: Cabdilaahi (Gargaar) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu inay hortaagan tahay koobkii kaalinta koowaad ee gobolka Xaysimo uu ku guuleystay, waxaana uu yidhi “Runtii waxaan ka xumahay oo aan halkan ka cadeynayaa inaanay jirin meel Wasaaradda Ciyaaraha ama masuuliyiinteedu ay ku hortaagan yihiin in gobolka Xaysimo la guddoonsiiyo koobkii ay ku guuleysteen ee Chess-ta. Wasaaradda Ciyaaraha iyo masuuliyiinteeda waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn wanaagsan, waana been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn in Wasaaradu ay hortaagan tahay in la qabto xafladda koobka iyo abaal-marrinada tartankii Chess-ta”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester Cit Oo Guul Ka Gaadhay Arsenal, Kaddib toddobaadyo Abaari Haysay

Daawo Goolkii Mucjisada Ahaa Ee Messi: Barcelona 4-1 Espanyol

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com