Waa Kuma Ciyaartoygii Ku Guuleystay Xiddiga Garoonka Ciyaartii Faransiisku Kaga Guuleystay Belgium

 

Xulka qaranka France ayaa iska xaadiriyey finalka Koobka Adduunka kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Belgium oo ay ciyaar aad u adkayd ku yeesheen magaalada St. Persburg.

Garoonka weyn ee St. Petersburg Stadium ayaa waxa albaabada iskugu xidhay France iyo Belgium oo u dagaallamayey in midkood u gudbo ciyaarta finalka ee Koobka Adduunka oo ay isku haleeli doonaan England iyo Croatia midkooda soo guuleysta, waxaase gacanta sare yeeshay oo ay guushu raacday France oo gool dirqi ah uu u dhaliyey Samuel Umtiti.

Difaacan birta ah oo sidoo kale badbaadiyey kubbado badan oo goolkiisa lagu bartilmaameedsaday ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa garoonka intii ay ciyaartu socotay, waxaanu sidaas ku garaacay Matuidi oo isaguna sameeyey fursado badan, laf -dhuungashayna ku noqday difaacyahannada Belgium ka hor intii aanu dhaawac u geysanin Eden Hazard qaybtii dambe ee ciyaarta.

Daqiiqaddii 51aad ayaa uu Samuel Umtiti goolka kaliya ee ciyaarta dhaliyey markii uu madax la helay kubbad ka timid Antoine Griezmann oo koorne ahayd, waxaana goolkaasi uu France u diray finalka.

Umtiti oo gacan ka helaya Varane ayaa u babbac-dhigay weeraryahanna xulka Belgium oo wax kasta oo ay sameeyeen geli kari waayey diilinta goolka France hortiisa, waxaana uu taas ku kasbaday in loo doorto ciyaartoygii ugu fiicnaa ciyaarta.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.




Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com