10:11 am - Wednesday June 28, 2017

Waa Kuma Ciyaaryahankan Maalqabeenka ah Ee Saacadaha Dahabka Iyo Dheemanta Ka Samaysan Ku Baahiyey Inter-netku (Daawo Video)

Aidarous

Ciyaaryahanka qaniga ah ee dhinaca feedhka  Floyd Mayweather ayaa hab istusnimo ah ugu baahiyey shabakada bulshada ee Instagram, muuqaal Video uu ku soo bandhigayo, fargalada iyo saacadaha macdanaha dahabka iyo dheemanta ah ka samaysan ee buux dhaafiyey gurigiisa.

Saacadaha dahabka iyo dheeman

Feedhyahankan oo lagu naanayso  ‘money’ ama ‘lacag’ ayaa video-gan uu baahiyey si uu dunida u tuso inaanu u baahnayn hanti oo uu haysto in ku filan , fariintan oo ka mid ah hababka uu u adeegsanayo inuu ku bahdilo ninka ay dagaalka u ballansan yihiin ee Marcos Maidana oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan horyaalka  MGM Grand bisha fooda inagu soo haysa.

Saacadaha Dahabka Iyo Dheemanta ah

Ciyaaryahankan 37 jirka ah ayaa hellay taageero badan kadib hantida uu ku soo bandhigay boga uu ku leeyahay shabakada Instagram kaas oo ay ka helleen – likes 35,000  waxna ka qoreen tiro ka badan 7,000 comments.

Halkan Ka Daawo Video-ga uu Baahiyey Ciyaaryahanku

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Feedh-yahan Indho La’aan ku ciyaarayay Ilaa Wareegii Afraad Oo Uu Tababarihiisu Soo Faro Galliyey CIyaarta

Bayern Munich Oo Walaac Weyn Ka Muujisay Khadkeeda Dhexe ee Sii Faaruqaya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: