11:38 pm - Thursday July 27, 2017

Waa Maxay Waxa Ay Ka Simman Yihiin Labada Naadi Ee Magaaladda Madrid Ka Dhisan Xilli Ciyaareedkan..?

Samatar Mohamed

madrid-1

Labada naadi ee caasimadda Spain ka dhisan Real Madrid iyo Atletico Madrid waxaa jirta arrin ay ka simman yihiin xilli ciyaareedkan, inkasta oo cadaawad gaar ahi labadan  ka dhaxeyso.

Ha noqoto La Ligaha Spain ama koobka horyaaladda Yurub Atletico Madrid iyo Real Madrid labadooduba wax guul-darro ah ma aanay la kulmin xilli ciyaareedkan, iyaga oo ay ciyaareen min 9-kulan isku darka kulamadda kala duwan oo ay ciyaareen.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid waxay wada leeyihiin min 15-dhibcood 7-kulan oo ay ciyaareen La Ligaha Spain, balse hogaanka horyaalka farqiga goolasha Atletico ayaa ku haysa, waxayna wada guuleysteen min 4-kulan iyaga oo sidoo kalena min 3-kulan barbar dhac galeen.

Kooxda macalin Diego Simeone hogaaamiyo sidoo kalena Champions League waxay ciyaareen 2-kulan wayna wada guuleysteen iyagoo dhagta dhiiga u daray kooxaha PSV iyo Bayern Munich, iyaga ayaana Group-kooda hogaaminayey.

Macalin Zidane kooxdiisa Real Madrid 4-dhibcood ayay Champion-ka leedahay iyada oo guul ka heshay kooxda Sporting Lisbon, sidoo kalena barbar dhac la gashay naadiga Dortmund.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Antoine Griezmann Oo Xalay La Guddoonsiiyay Abaal-marrinta Laacibkii Ugu Fiicnaa Euro 2016

Sannad Kadib Maxaa Loo Diiwaan-geliyay Kooxda Liverpool Muddada Uu Joogay Tababare Jurgen Klopp..?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: