‘Waanu Kuu Baahanahay’ Zidane Oo U Baroortay Ronaldo

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa farriin baryo ah u diray xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo sheegay inuu ka tegayo kooxdaas.

32 jirka reer Portugal ayaa Jimcihii ku dhowaaqay inuu go’aansaday inuu ka tago Real Madrid, kaddib lacago la sheegay inuu kala baxsaday waaxda cashuuraha, hase yeeshee, tababare Zidane ayaa arrintaas ka naxay.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, tababare Zidane oo fasax ku jooga waddanka Talyaani isagoo ay wehelinayaan qoyskiisa, ayaa farriin gaaban u diray Ronaldo.

Zidane ayaa farriinta gaaban ee uu u diray oo lagu fasiray inay ahayd baryo, waxa uu ku yidhi: “Cris, waanu kuu baahanahay”

Zidane ayaa u arka Ronaldo inuu muhiim u yahay mustaqblka iyo rajooyinka kooxdiisa, waxaanu ku dedaali doonaa inay kooxdu qayb ka qaadato bixinta lacagaha loo haysto Ronaldo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Bayern Munich Oo Man City Uga Hadhay Alexis Sanchez

Guardiola Oo Dalabyo U Diray Dani Alves iyo Kyle Walker

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com