2:56 pm - Saturday July 29, 2017

Wacdarihii Kanu – Pires – Vieiri iyo Cafu : Ciyaar Carruurta Soomaaliyeed Garoomo Loogu Dhisayo Oo Arsenal Iyo Ac Milan Dhex Martay

Aidarous

Halyeygii reer Nigeria ayaa lala yaabay bandhigiisa ciyaareed, ciyaar xidigihii hore ee Arsenal ku tumeen ciyaaryahanadii waayo waayo ee Ac Milan oo ay sidoo kale ka dhex muuqdeen xidigaha kala ah Christian Vieiri iyo Cafu.

Saddex gooley uu shabaqa ku shubay Nwankwo Kanu iyo gool uu raaciyey Robert Pires ayaa u horseeday Halyeyadii Arsenal inay 4-2 ku xasuuqaan Dahabkii soo maray Milan, ciyaar qaadhaan urrurin ah oo ku dhex martay geggida Emirates Stadium, magaalada London.

37DD1FE800000578-0-image-a-57_1472914898421

Kanu oo iska dhigaya nin ka caydhsan inuu tabobare Arsene Wenger ku bilaabay kaydka ayay la yaabay ku noqotay inuu goolkii furitaanka u keeno Arsenal isagoo 40 jir da’diisu tahay, daqiiqadii 27 aad, laakiin waxaa goolka bareejaha ciyaarta ku soo celiyey ka dhaliyey weeraryahankii Christian Vieri shan daqiiqo oo kaliya ka hor dhamaadkii qaybta hore.

37DD209300000578-0-image-a-40_1472914470440

Kanu wuxuu kii labaad raaciyey daqiiqadii 72 aad ee ciyaarta, ka hor intii aanu Rigoodhe lagu galay Galay Pires ku soo af jarin saddexdii gool ee uu ciyaarta ka xareeyey, waxaana ka afraad u saxeexay Gunners, Pires oo kubbad ka helay Ljungberg, Goolkii labaad ee Milan ciyaarta la timidna waxaa saxeexay isla ciyaaryahankii cuslaaday kii koobaadna dhaliyey ee Vieri, oo ku celiyey kubbad rigoodhe loo dhigay dhamaadkii ciyaarta, taas oo uu laagii hore ka badbaadiyey gool haye David Seaman.

37DD0C4500000578-0-image-a-32_1472914403962

Laacibiinta cuslaatay ee ciyaarta ka dhex muuqatay wacdaraha ka dhigtay waxaa kamid ahaa:-

Arsenal: Seaman, Hoyte, Toure, Keown, Winterburn, Parlour, Petit, Gilberto, Overmars, Pires, Ljungberg

Bedel : Lehmann, Cygan, Limpar, Grimandi, Boa Morte, Kanu

Tabobare: Arsene Wenger

Halka Milan ay uga safteen:-

Abbiati, Cafu, Costacurta, Favalli, Serginho, Desailly Ambrosini, Boban, Albertini, Di Canio, Vieri

Bedel : Dida, Maldini, Massaro, Simone, Ba, Carbone, Simic, Eranio, Pancaro
Tabobare: Fabio Capello

37DD0C3800000578-0-image-a-34_1472914418107

Ciyaartan oo uu garsoore ama siidhi wade ka ahaa ruug cadaagii reer Ingiriis ee Howard Webb ayaa lagu ururinayay lacag dhan 1 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, una dhiganta ku dhawaad milyan iyo badh dollarka Maraykanka ah, taas oo loogu deeqay sanduuqa kooxda Arsenal ee Arsenal Foundation, mashruuca ay garoomada ugu dhisayaan carruurta gudaha London ku nool, kuwa wadamada Jordan iyo Soomaaliya.

37DD0C5C00000578-0-image-a-35_1472914420413

Daawo Dhacdooyinkii Ciyaarta Oo Dhamaystiran:-

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Sheeko Xiiso Leh: Sheekh Siciid Raage Ma Waxa Uu Taageeraa Kooxda Manchester United!..?

Ciyaaraha Maanta Iyo Caawa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: