11:51 pm - Monday May 29, 2017

Waddanka Shiinaha Oo Rajo Ka Qaba Marti-gelinta Koobka Adduunka 2030

Samatar Mohamed

foot-ball1-13

Masuuliyiinta xidhiidhada kubadda cagta Shiinaha iyo Asia ayaa ku rajo weyn in Shiinuhu nasiib u yeesho marti-gelinta koobka adduunka 2030 ee kubadda cagta, waxaana ay FIFA ka dalbanayaan in riyadaasi ay u rumeeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka Shiinaha, Zhang Jian ayaa sheegay inay yar tahay rajada ay ka qabaan in dhulkooda lagu qabto koobka adduunka 2026, maadaama Qatar ay ku guuleysatay marti soorka koobka adduunyadda 2022, isla markaana koobka xiga aan isla Qaaradda Asia loogu celin karin.

“Qof kasta oo Shiinees ah waxa uu ku riyoonayaa in koob adduun lagu qabto Shiinaha” ayuu Zhang ka sheegay Goa oo ahayd halkii shalay uu ka dhacay shirkii Xidhiidhka Kubadda Cagta Asia AFC.

Madaxweynaha Shiinaha  Xi Jinping oo isagu horumar ballaadhan gaadhsiiyey dalkiisa ayaa isaguna rajo weyn ka qaba in dalkiisu mar uun marti-geliyo ciyaaraha waa weyn ee Kubadda Cagta.

Marka keliya ee Shiinuhu soo xaadiray Koobka Adduunka waxay ahayd 2002 ciyaarihii dunida ee lagu qabtay Korea iyo Japan, waxaana tartankaasi ay ka hadheen iyagoo xittaa aan 1 gool dhallin, iyada oo haatanna Shiinuhu uu kaalinta 78-aad kaga jiro kala sarreynta xulalka Kubadda Cagta Caalamka.

Dhinaca kale Horyaalka Shiinaha ayaa ka mid ah Horyaallada soo kacaya, waxaana 400 Million oo Euro ay ku bixiyaan sannadkan suuqa kala ibsiga ciyaartoyda.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Kooxda Ac Milan Oo Maal-gelinteeda La Laba Jibaaray & Heshiis Iidheh Oo Cusub Oo Ay Shalay Gashay

UEFA Oo Celtic Ku Ganaaxday In Jamaahiirteedu Ay Calanka Dalka Falastiin Soo Qaateen Kulan Ka Tirsanaa UCL

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com