Wakhtiga Ay Barcelona Shaacin Doonto Heshiiska Griezmann Oo La Ogaaday

Kooxda kubadda cagta reer Spain ee Barcelona ayaa la ogaaday inay qorshaysay wakhtiga ay ku dhowaaqi doonto heshiiska laacibka Atletico Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska ee Antoine Griezmann.

Xoghayaha farsamada Barcelona, Robert Fernandez ayaa bilihii ugu dambeeyey ka shaqaynayey qaabkii ay Barcelona shaadhkeeda ugu xidhi lahayd laacibkan, hase yeeshee, warar laga helay kooxda ayaa sheegaya in maalinta Sabtida funaanadda uu u xidhan doono Barcelona laga heli doono Berkadaha dabbaasha Olambikada ee ku yaalla MONTJUIC.

Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa muujinaya degganaan, hase yeeshee, waxa uu ogyahay in heshiiska Griezmann uu dhamaad yahay, isla markaana ay muhiim tahay in lasoo gebo-gabeeyo ka hor bilowga Koobka Adduunka.

Barcelona iyo Griezmann labaduba way ogyihiin inay ganaax ku mutaysan karayaan haddii ay iskood heshiis u gaadhaan, isla markaana ay Atletico ku khasbaan inay ogolaato. Haddii ay sidaasi dhacdo, waxa ay mutaysan doonaan ciqaab ganaax lacageed ah, taas oo ah ciqaabtii Real Madrid lagu riday markii ay Luis Figo khasab kaga soo qaadatay Barcelona sannadkii 2001.

Barcelona waxa lagu ciqaabi doonaa inay bixiso 15 milyan oo Euro, balse Griezmann ayaa isaguna bixin doona 20 Milyan oo Euro, taas oo ah in labada dhinacba ay jabiyeen heshiiskii ka dhexeeyey Atletico iyo Griezmann.

Laacibkan reer France ayaa sannadkii hore ay si adag u doonaysay Manchester United oo xataa ku dhowaatay inay hesho, hase yeeshee, Griezmann ayaa ku adkaystay inay doqoniimo tahay inuu ka tgo kooxdiisa oo ay saaran tahay xayiraad suuqa ah.

Wakhtigii uu Griezmann u ciyaari jiray Real Sociedad, Barcelona ayaa ku dhowaatay inay heshiis la gasho, waxaana berigaas qorshuhu ahaa inuu u ciyaaro kooxda heerka labaad ee B, mararka qaarkoodna fursad loo siiyo kooxda koowaad, hase yeeshee, maamulka Barca ayaa go’aamiyey inay u leexdaan Kiko Femenia oo ay iska daayaan Antoine.

Phhilippe Coutinho ayaa ay Barcelona kasoo iibsatay Liverpool bishii January, waxaana markaas loo diiday lambarka 7 oo la filayey in la siiyo, taasna waxa la fahamsan yahay in Griezmann meel loo sii dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, horraantii sannadkan ayaa warbaahinta u dhuun-daloola Barcelona waxay sheegaan in Atletico laf ahaanteedu ay ogoshahay in laacibkeedan ay ka iibiso Barca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.