Wakhtiga Real Madrid Ay Saxaafadda Usoo Bandhigayso Saxeexeeda Cusub Ee Vinicius Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aamisay wakhtiga ay sida rasmiga ah usoo bandhigayso saxeexeeda cusub ee Vinicius Junior oo dhowaan soo gaadhay magaalada Madrid.

Da’yarkan reer Brazil oo toddobaadkan u dabbaal-degay sannad-guuradiisii 18 sano jirka ayaa waxa khamiista lagu soo bandhigi doonaa garoonka Santiago Bernabeu gudihiisa, halkaas oo taageereyaasha iyo tababaraha cusub ee kooxdu ay goob joog ka ahaan doonaan, isla goobtaana lagu guddoonsiin doono lambarka cusub ee uu u xidhan doono Los Blancos.

Kaddib waxa uu Real Madrid u raaci doonaa safarka ay ku tegayso waddanka Marykanka, iyadoo la filayo in aanu heshiis amaah ah ku tegin kaddib markii uu Cristiano Ronaldo banneeyey boos ay adag tahay in naadigu dhayal ku helo buuxintiisa.

Lama filayo in Vinicius uu noqdo beddelka Ronaldo, hase yeeshee waxa uu noqon doonaa laacib beddel suge ah oo haddii uu tababaraha cusub ku qanco uu fursad siiyo kulamada qaarkood, haddii kalena waxa lagu diri doonaa amaah muddo kooban ah oo qaaradda Yurub gudaheeda ah.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.