Wakhtiga Uu Zidane Ka Tegayo Real Madrid Oo La Ogaaday

Dhibaatooyinka badan ee aan marnaba lasii saadaalinin ee hoosta u dhigay Real Madrid, waxay sabab u noqonayaan in uu tababare Zinedine Zidane raaco dariiqii ay shaqadooda ku waayeen macallimiin tiro badan oo uu madaxweyne Florentino Perez shaqada ka caydhiyey.

Real Madrid ayaa markii ugu horreysay, waxay 19 dhibcood ka hoosaysaa Barcelona oo kaalinta koowaad ku jirta, taas oo ka dhigan in halkii ugu hoosaysay taariikhda casriga ah ay ku jirto, loona baahan yahay xal degdeg ah.

Dhaqanka Madrid, ayaa ah in aan muddo dheer la xasuusnaanin waxqabadka wanaagsan, isla markaana aan dulqaad loo yeelanin guul-darrooyinka. Haddii dib loo eegayo taariikhda laba sannadood oo is xiga ayuu Zidane u qaaday Champions League, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay taariikhda Yurub ee ay koox sidaas samayso. Waxa u dheer, in sannadkiisii koowaad, uu xilka la wareegay iyadoo kooxdu kala daadsan oo dhibaato ba’an ku jirto, laakiin xal degdeg ah uu u helay.

Madaxweyne Perez, ma doonayo inuu si toos ah u eryo Zidane haddii kulamada soo socda ay u hagaagaan, hase yeeshee, isaga ayuu ku khasbayaa inuu is casilo.

Warar dhowaan laysla dhex maray ayaa iyaguna sheegaya in uu Zidane ka dalbaday madaxweyne Perez inuu u ogolaado inuu shaqada ka tago, hase yeeshee, aragtida kale ee ah in xalligan aanay ku habboonayn beddelka macallinka, ayaa uu Perez uguu sii dhegay.

Xaqiiqadu waxay tahay, Zidane oo 2001 ku biiray Real Madrid, waxa uu horseed ka noqday Champions League ay 2002 ku guuleysteen. Waxa u raacay guulo badan oo kale oo intii uu ciyaartoyga ahaa ay hanteen. Markii uu sannadkii 2006 ka fadhiistay ciyaarista kubadda cagta, waxa uu kusii dhex jiray Real Madrid oo uu xilal kala duwan kasoo qabtay, illaa uu aakhirkii guulo taariikhi ah u horseeday isagoo tababare ah, waana sababta koowaad ee caydhistiisa looga warwareegayo.

Marka uu shaqada ka tago Zidane dhamaadka xili ciyaareedka haddii wakhtigu u fiicnaado, haddii kalena inta ka horreysaba, waxa xilka kala wareegi doona laba tababare MMidkood. Joachin Low oo xulka qaranka Germany tababare u ah ama Mauricio Pochettino oo Tottenham layliya.