Wakiilka Dani Alves Oo Xaqiijiyey In Wada hadallo Meel fiican marayaa u socdaan koox kale

AlvesWakiilka ciyaartoyga reer Brazil ee Dani Alves oo lagu magacaabo Donorah Santana ayaa daboolka ka qaaday in difaacyahanka Barcelona uu wadahallo heerkoodu sarreeyo kula jiro koox kale oo uu u wareegi doono Xagaaga bisha June ee soo socota.

Difaacyahankan caalamiga ah ee reer Brazil oo ay da’diisu tahay 31 jir, ayaa waxa uu heshiiskiisa Barcelona dhacayaa June, waxaana inkasta oo la hadal hayo wada hadallo u socda kooxdiisa oo uu heshiiska ugu cusbooneysiinayo, haddana waxa uu wakiilkiisu kashhifay in aanay arrintaasi soconaynin, laakiin uu meel kale tegi doono Alves.

“Waxa aanu ku dhownahay in aanu heshiis la saxeexanno koox kale oo aanu wada hadallo heerkoodu sarreeyo kula jirno.” Sidaas ayuu wakiilku u sheegay Rac1.

Wakiilku waxa uu intaa raaciyey in wali ay Barcelona haysato fursad ay ciyaartoygan ku haysato laakiin maadaama aanay illaa hadda heshiis cusub u soo bandhigin aanu sugi Karin muddo dheer.

Alves ayaa sannadkii 2008 Barcelona uga soo wareegay kooxda Sevilla waxaanu ka caawiyey kooxda reer Catalonia in ay ku guuleystaan afar koob oo La Liga ah, Champions League, Club world Cup, Copa del Rey iyo Uefa Super Cup oo laba jeeer ah iyo sidoo kale Supercopa Espana oo afar jeer ah.

Waxa uu u ciyaaray 300 ciyaarood illaa hadda kooxda Barcelona balse waxay u muuqataa in uu hayo jidkii uu kaga tegi lahaa kooxdaas.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Wenger: Waxaan doonayey in aan bilaash ku fasaxo Coquelin

Barcelona Vs Villarreal: Barcelona Oo Gellin Horeba Shaacisay Xulkeeda Kulanka Caawa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com