11:39 pm - Sunday July 23, 2017

Walaalka la dhashay Zlatan Ibrahimovic Oo loo Aasay qaabka Muslimiinta

Khadar Dirir

Weeraryahanka wadanka Sweden iyo kooxda Paris St Germain Zlatan Ibrahimovic oo dhawaan geeriyooday walaalkii, ayaa waxaa shalay loo sameeyay aas, sida ay qabto shareecada islaamka, waxaana lagu Tukaaday salaad jinaasadda,  kaasi oo lagu akhriyay qur’aanka kariimka maadaama qoyska Ibrahimovic ay yihiin kuwa ka soo jeeda Bosnia,kuna abtirsada diinta islaamka ,waxaana uu qayb ka ahaa Jinaasadda walaalkii , kaasi oo ku dhintay dhowr maalmood ka hor magaalada Malmo .Wiilkii ka  yar Ibrahimo ayaa u geeriyooday xanuun muddo bil ah la jiifay waxaana magaciisu ahaa Alexander Georgiav waxaana Malmo looga yaqaanay ( Sultan Al Suwaidi).

Salaada jinaasadda  waxaa joogay ehelada iyo qaraabada Ibrahimovic inkasta uu Zlatan wajigiisa ka muuqatay murugo waxaana uu ku koray Xaafadda Rosenberg ee Malmo. Waxaan dhalay  aabe Boosniyaan ah oo muslimiin ah kuwaasi oo u soo haajiray Sweden sannadkii 1977 kaasi oo lagu magacaabo Shafiq ,iyo hooyo Croatian-an ah oo haysata diinta Catholic.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Ciyaaryahanadda Cristiano Ronaldo, Arbeloa, Marcelo, Khedir Oo seegay finalka copa del Rey

Suurtagal Maaha In La Dhigo Rigoodhayaal Badan Ciyaarta El Clasico : Pepe

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: