zidd

Tababaraha hogaamiya kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la ogaaday inaanu wax baddan dhaammin tababarihii uu ka bedalay shaqadda kooxda Real ee Rafa Benitez.

Zinedine Zidane ayaa xilli ciyaareedkan kooxda ku hogaamiyey kulamo baddan oo barbaro ah, taas oo ka dhigtay in kooxdu ay shaqaysato 15-dhibcood 7-kulan oo horyaalka ah.

Xogtaas ayaa ka dhigaysa tababare Zinedine Zidane inaanu waxba dhaammin tababarihii ka horeeyay ee Rafa Benitez kaas oo xilli ciyaareedkii hore kooxda u shaqeeyay 15-dhibcood 7-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka.

Isbar bardhiga labada tababare ayaa soo muujinaysa inaanu jirin farqi weyn oo u dhaxeeya labadooda marka laga reebo in ciyaartoyda kooxda Real Madrid ay jecel yihiin falsafadda Zinedine Zidane.