War Cusb: Horyaalka Serie A-da Oo Markii Ugu Horeysay Dhaqan Gelinaya Hannaan Cusub Oo Horyaal Kale Aanu Adeegsan..!

sera

Madaxa garsoorayaasha Marcello Nicchi ayaa xaqiijiyey in Serie A ay bilaabi doonaan muuqaallada ku celiska ah (Video Replays) oo ay garsoorayaashu isticmaalayaan markii ugu horreysay, gaar ahaan 2-da kulan ee Torino-Fiorentina iyo Milan-Sassuolo oo dhacaya toddobaad-dhammaadkan.

Hannaankan oo loo yaqaanno Video Assistant Referees (VAR) ayaa markii ugu horreysay loo adeegsaday kulankii ay Faransiisku 3-1 kaga badiyeen Italy ee dhacay bilowgii bishan Septembar, haatanna Nicchi ayaa sheegay in Tiknolojiyaddani ay diyaar u tahay in lagu tijaabiyo Calcio.

“VAR waxaa Axadda lagu bilaabi doonaa Torino-Fiorentina iyo Milan-Sassuolo, balse waa tijaabo uun, Axad kasta, waxaannu hannaankan ku eegi doonnaa 2-3 kulan, iyadoo garsoorayaasha lakala bedeli doono, qaarna ay shaashadda ka eegi doonaan, balse wax kasta waa khad-maqan (Offline).” ayuu yidhi madexwaynaha AIA ee Nicchi oo la hadlayay Radio Crc.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Player Of The Week: UEFA Oo Ku Dhawaaqday Xiddigii Ugu Fiicnaa Toddobaadka Champions League

Xavi Hernandez Oo Booqday Xeradda Qaxootiga Falastiin Ee Dalka Jordan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com