War Cusub: Daacish Oo Mamnuucday Xidhashadda Garamaanta Kooxaha Kubadda Cagta Horyaaladda Yurub

daacish

Ururka la magac baxay ‘Khilaafadda Islaamiga ah’ ee Daacish ayaa soo saaray amarro ay ku mamnuucayaan xidhashadda Dharka Isboortiga ee ay farsameeyaan shirkaddaha Adidas iyo Nike iyo weliba sidoo kale Garamaanta ay ku ciyaaraan kooxaha waa weyn ee Horyaallada kubadda cagta caalamka.

Sida uu qoray Wargeyska ‘Mirror’  maalintii shalay, Ururka ISIS ee ka taliya Ciraaq ayaa shacabka uga digay xidhashadda dharkaasi ay sheegeen in ay Diintu mamnuucday ee ay xidhaan Gaaladdu, iyada oo ciddii lagu arkana lagu dhufanayo 80 Karbaash.

Garamaanta ay mamnuuceen Ururkani waxaa ka mid ah kuwa Spain ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, halka sidoo kalena kooxaha garamaantooda la mamnuucay ay ka mid yihiin Manchester United, Manchester City iyo Chelsea.

Horyaallada Talyaaniga, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa iyaguna qeyb ka ah kuwa la mamnuucay xidhashadda garamaanta kooxaha ka ciyaara tartammadaasi oo aad xukun ku muteysan karto haddii lagugu arko adoo xidhan, iyadoo Talyaanigana laga xusay garanka kooxda Ac Milan.