War Degdeg Ah: Tababare Martino Oo Tegitaan Iyo Raalli-Gelin Isugu Daray Barcelona

Tababaraha kooxda Barcelona Gerardo Martino ayaa markii ay dhamaatay ciyaartii caawa ee Atletico Madrid Iyo Barcelona, waxa uu ku dhawaaqay inuu ka tegayo kooxdaas, isla markaana uu go’aankaas qaatay oo aanu ka laaban doonin.

Bilihii u dambeeyey ayaa waxa saadaalinayay in uu tababarahani tegi doono kadib guul-darrooyin kooxdaas soo waajahay, iyadoo dhamaan tartamadii ay kooxdaasi ka qayb gashayna ka qadday oo aan wax koob ah sannadkan ku guulaysanin.

Martino oo warbaahinta la hadlay markii ay ciyaartu dhamaatay, ayaa waxa uu raalli-gelin iyo tegitaan isu raaciyey kooxda Barcelona, waxaanu sheegay in uu ka raalli-geliyo Barca koob la’aan sannadkan oo uu isagu sababteeda isa saaray.

Tababareyaal dhawr ah ayaa la hadal hayaa in uu midkood beddeli doono oo uu la wareegi doono shaqada ka bannaanaatay Barca, waxaana ugu horreeya ragga ay fartu ku godan tahay Luis Enrique oo toddobaadkan iska casilay tababarenimada kooxda Celta Vigo, waxaana la sheegayaa in uu jiro heshiis is-faham ah oo ay gaadheen Barca iyo Enrique.