Ciyaartoy Ka Tirsanaa Xulka Qaranka Koonfur Afrika Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi

South Afrikan player died for accident

Waxa subaxnimadii hore ee maanta shil baabuur ku geeriyooday xiddigii xulka qaranka Koonfur Afrika ee Richard Henyekane.

Kooxda Free Sate Stars ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay saaka waxay ku xaqiijisay in laacibkooda 31 jirka ah ee Richard Henyekane uu shil gaadhi ku dhintay. Sidoo kale, waxa shilkan ku geeriyooday afar qof oo kale oo la socday gaadhigaas.

War-saxaafadeedka ayay kooxda Free Sate Stars, waxay ku sheegtay in ay aad uga xun tahay geerida iyo waliba tacsi ay u dirtay qoyska, ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Henyekane.

“Free Sate Stars waxay halkan ku soo bandhigaysaa tacsi qalbiga ka soo go’day oo ay u dirayso geerida xiddiga weerarka ah ee Richard Henyekane oo saacadihii hore ee saaka geeriyooday.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka, waxaanu intaa raaciyey: “Henyekane oo ay la socdaan afar rakaab ah safar ayay ku jireen markii shilka naxdinta leh uu ku yimid gaadhigooda. Waxa aanu u rajeynaynaa oo aannu leenahay Henyekane qoyskiisa mar walba waanu idin garab taagannahay.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Arsenal Oo Qarka U Saaran Weeraryahanka Higuain

Booliska Turkey Oo Xidhay Laba Qof Oo Lagu Xidhiidhiyey Rasaastii Fenerbahce

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com