3:16 pm - Tuesday January 20, 4652

Warbaahinta Dunida Oo Aan u Kala Hadhin Dhalliisha Real Madrid

249 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Warbaahinta Dunida Oo Aan u Kala Hadhin Dhalliisha Real Madrid

Warbaahinta dunida ugu caansan ee ciyaaraha ayaa si qaawan uga hadlay guul darradii Real Madrid ka soo gaadhay ciyaartii Atletico Madrid ee ku dhamaatay 4-0 ay kooxda tababare Simeone ku badisay.

Warbaahinta ayay ciyaarta qaarba dhinac ka eegeen, iyadoo ay si gaar ah wargeysyada waaweyn qaarkood u weerareen goolwade Iker Casillas. Wargeyska L’Equipe waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay khaladka goolkii koowaad oo uu dusha ka saaray Casillas.

Sidan ayay wargeysyadu u dhigeen cinwaannadooda iyo warkooda:

La Gazzetta dello Sport (Italy). Waxa uu wargeyskani cinwaan ka dh igay:” Atlético oo bahdishay Ancelotti”, waxaanu warkiisa gudaha ku sheegay in inkasta oo ay Real Madrid ka maqnaayeen ciyaartooyo badan, haddana ciyaarta lagu bahdilay.

Natiijadani Waxay caddaynaysaa in Atlético ay maamusho Madrid. Lix Derby, afar ka mid ah Semeone ayaa badiyey, labana way barbareeyeen” sidaas ayuu wargeysku yidhi.

L’Equipe (France). Waxa uu cinwaan ka dhigay “Bandhiggii Atlético.”, waxaanu warkiisa ku yidhi: “Markii ay 18 daqiiqo ciyaartu maraysay, waxa kooxda hoggaaminaysa horyaalka lagu lahaa 2-0. Tiago ayaa gool dhalinta furay isagoo caawimo ka helaya Casillas. Real ciyaartooyo dhawr ah ayaa ka maqnaa, iyadoo Nacho iyo Coentrao ay ciyaarta ku hafteen. Ciyaarta waxa fure u ahaa khaladkii Iker, oo isku dayay in uu laadkii Tiago gacan ku qabto. Waxa uu u baahnaa in uu lugta isticmaalo. Cristiano Ronaldo fursaddiisii koowaad waxay timid 65 daqiiqo ciyaartu markay socotay.

Bild (Germany). Waxa uu wargeyskan weyni cinwaan ka dhigtay: “Derby muujiyey hoos u dhaca Madrid”.

Wargeysku isaga oo warkiisa sii gudo galaya waxa uu intaa raaciyey: “Madrid waxa ka maqan yihiin Ramos iyo James laakiin ay ku jiraan Kroos iyo Khedira oo ku guuleystay Koobka Adduunka iyo Cristiano Ronaldo, ayaa khalad xun oo uu sameeyey goolwadaha shanta jeer noqday goolhayaha dunida fiican waxa lagaga dhaliyey goolka furitaanka. Halkee ayuu joogay Cristiano, ciyaartoyga ugu wanaagsan sannadka ee 30 jirsaday laba maalmood ciyaarta ka hor”.

The Guardian (UK). Wargeyskan Ingiriiska ah ayaa waxa uu cinwaankiisa koowaad ka dhigay: “Atlético waxay caddaysay in horyaalka ku dagaallami doonto”.

Isaga oo faalladiisa sii wata, waxa uu wargeysku intaa raaciyey: “Laadkii Tiago ayaa shabaqa galay markii uu ka siibtay gacanta midig iyo jilibka midga ee Casillas dhexdooda. Goolwadaha ayaa ku calaacalay “Yaa Allah”. Taageereyaasha Atlético ee ka dambeeyey ayaa iyagoo qoslaya ku lahaa Iker! Ikar! Ikar! – afar daqiiqo kadibna sidii ayay yeeleen. Kootaageereyaasha Atletico garoonka ayay soo buuxiyeen, ciyaarta iyagaa maamulay.

A Bola (Portugal). Warkeyskan ugu weyn waddanka Portugal, ayaa waxa uu cinwaan ka dhigay: “Tiago ayaa goolka koowaad u dhaliyey Atlético.”

wargeysku isaga oo faalladiisa sii guodgalaya waxa uu intaa raaciyey: “Kulanka Madrid derby, Tiago ayaa lagu bilaabay, Atletico ayaana ah dhinaca awoodda badan oo Madrid may siinin fursad ay jawaab kaga bixiyaan guusha”.

Olé (Argentina). Wargeyskan caanka ka ah qaaradda Latin America, waxa uu isna cinwaan ka dhigay: “Madrid waa la dubtay.”

Faallada wargeysku isaga oo sii wata, waxa uu yidhi: “Atletico cashar kale ayay u dhigtay Real, dhab ahhaanna taageereyaasha Atletico waxay ka gaadheen guushii afraad intii ka dambaysay finalkii champions League. Real waxa ku adkaatay ereyga hore u soco”.

Récord (Mexico). Wargeyskan Woqooyiga Maraykanka ka soo baxa, waxa uu isna cinwaankiisa ka dhigay: “Atlético ayaa la wareegtay maamulka caasimadda iyadoo bahdishay Madrid”.

Isaga oo warkiisa sii wada waxa uu yidhi wargeysku: “Si muuqata ayay Real Madrid ugu dawakhday garoonka kadib goolkii koowaad. Ronaldo wuu iska dhex joogaa uun garoonka”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Cristiano Ronaldo Oo Casuumad Sameeyey Heesana Ka Qaaday Wax Yar Kadib Guuldaradii Madrid Derby

Abubakar Barry Oo Xulka Maroodiyaasha Afrika Gacanta Ka Saaray Koobkii Qaramada Qaarada Afrika – Sawiro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com