Warbaahinta Spain Oo Horyaalka U Caleemo Saaray Barcelona

Warbaahinta wadanka Spain ayaa horyaalka sannadkan ee wadankaas ee La Liga u caleemo saaray Barcelona, taas oo laba dhibcood oo kaliya ka horreysa Real Madrid oo ku soo xigta iyadoo uu tartankana ka dhiman yahay 5 ciyaarood.

Wargeysa MARCA ee ka soo baxa caasimadda wadanka Spain ee Madrid, si weyna u taageera Real ayaa waxa uu daabacay warbixin muujinaysa in horyaalka wadanka ee Spain ee sannadkan ay ku guuleysanayso Barcelona.

Wargeyska ayaa dib ugu noqday jadwalka ciyaaraha u hadhsan labada kooxood, waxaana soo baxday in shanta ciyaarood ee u hadhay Real Madrid iyo Barcelona, ay fudu yihiin ciyaaraha u hadhay kooxda reer Catalonia, isla markaana kaliya Atletico Madrid ay tahay caqabadda ka horreysa inta kalena ay durduro ku dhaafi doonaan.

Salaasada oo Getafe ay ku marigelin doonto Barcelona waxa ugu xigi doona Sabtida oo ay u safri doonto Real Sociedad, Deportivo oo ugu iman doonta Cam Nou iyo Cordoba. Waxa kale oo ka horreysa Kulanka Calderon ee Atletico Madrid.

Real Madrid, waxa iyadna u hadhsan ciyaaro ay adag tahay in ay wada badiso, xattaa haddii ay ku wada guuleysatana sida uu wargeysku sheegay waa ay adag tahay in Barcelona la qabto, haddii ay labadooduba wada badiyaanna waxa sidaas ku dabbaal-degi doonta Barca.

Real Madrid waxa Arbacada u iman doonta Almeria, waxa ugu xigi doonta kulanka ay Sabtida martida u noqon doonto Sevilla, waxa ugu xigi doonta Valencia.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku gunaanaday in guushii ay Barcelona ka gaadhay ciyaartii Sabtidii ay la yeelatay Espanyo oo ay isku magaalo yihiin ay ka caawisay in ay ku ruqaansato horyaalka isla markaana ay ka badin doonto dhamaan shanta kooxood ee u hadhsan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Massimiliano Allegri Oo Si Weyn Uga Qayliyey Rabshadaha Ciyaartii Torino & Juventus

Van Gaal Oo Diiday In Chicharito Ku Noqdo Manchester United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com