WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Xogaha Layaabka Leh & Rekoodhayada Wareega 16-ka Kooxood Ee UEFA Champions League, Kooxaha Iyo Ciyaartoyda Taariikhdan Ku Suntan

Waxaa ugu danbayn soo dhamaanaya waqtigii dheeraa ee la sugayay kulamada wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League oo ah heerka ay xaamasada ugu wayn ee tartankani bilaabanto, waxaana hadda ay kooxaha tartanakn ku jiraa si buuxda u bilawdeen in ay isku diyaariyaan kulamada lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions league, waxaana talaadada iyo Arbacada jiri doona kulamo ay tahay in aanad marnaba seegin.

Maalmihii ugu danbeeyay shabakada Gool24.net oo aanu warbixintan kasoo qaadannay ayaa si joogto ah idiinku soo gudbinaysay xog la xidhiidha kulamada 16ka kooxood ee UEFA Champions League si aanu hordhac ahaan uga sii dhigno isla markaana ay akhristayaashu sii helaan xog faah faahsan oo la xidhiidha kulamada ay daawan doonaan.

Laakiin waxaanu markale halkan idiinku haynaa xog layaableh isla markaana ay tahay in qof kasta oo kubbada cagta xiiseeyaa uu sii ogaado ka hor inta aanu daawan kulamada wareega 16ka kooxood waana xog khaas ah oo ku saabsan kaliya kulamada 16ka kooxood ee UEFA Champions League taas oo ay ku suntan yihiin kooxo iyo ciyaartooy gaar ahi.

Kooxihii bilawgii xili ciyaareedkan loo sadaalinayay koobka UEFA Champions League ayaa dhamaantood qayb ka ah wareega 16ka kooxood ee tartanakn taas oo muujinaysa in xiiso wayn ay yeelan doonaan kulamada todobaadkan la ciyaari doonaa iyada oo ay saamayn toos ah ku yeelan karaan siddeeda kooxood ee iskugu soo hadhi karta tartankan.

Kulamada ugu xiisaha badan ee usbuucan garoomaa Yurub laga ciyaari doono waxaa ugu wayn kulanka Real Madrid iyo PSG oo Santiago Bernabue ka dhici doona halka Chelsea iyo Barcelona ay Stamford Bridge ku balansan yihiin laakiin sidoo kale waxaa xiiso wayn leh kulamada Sevilla vs Manchester United, Juventus vs Tottenham si la mid ah FC Porto iyo Liverpool.

Xogta iyo rekoodhada ay shabakada Gool24.net isda faa faahsan idiinku soo gudbinayso ayaa iskugu jira laba qaybood oo kala ah heerka kooxeed iyo heerka ciyaartoy laakiin waxa ka dhexeeya ayaa ah in xogtan iyo rekoodhadan lagu gaadhay kaliya kulamadii wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Xogta iyo rekoodhada U Khaaska Ah Ciyaartoyda Ee Wareega 16ka Kooxood ee UEFA Champions League:

1- Ciyaartoyda Kulamada Ugu Badan Ka Soo Muuqday Wareega 16ka kooxood Ee UEFA Champions League:

Cristiano Ronaldo ayaa ah xidiga kulamada ugu badan oo 26 kulan ah ka soo muuqday wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League wuxuuna kulamadan u soo ciyaaray kooxaha Manchester United iyo Real Madrid. Waxaana kaalinta labaad ku wada jira Iker Casillas iyo Lionel Messi oo min 24 kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL ah ka soo muuqday.

Zlatan Ibrahimovic iyo Andres Iniesta ayaa isku kaalinta saddexaad ugu wada jira min 23 kulan oo 16ka kooxood ee UCL ah laakiin iyada oo Iniesta oo dhamaan kulamadan ka soo saftay Barca waxa uu Ibrahimovic kulamadan kaga soo muuqday Juventus, Inter Milan, Barcelona, AC Milan iyo PSG. Halkan liiska si kooban ugaga bogo.

26 Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL:  Cristiano Ronaldo (Manchester United, Real Madrid)

24=Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL: Iker Casillas (Real Madrid)

24=Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL: Lionel Messi (Barcelona)

23= Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL:Zlatan Ibrahimović (Juventus, Internazionale Milano, Barcelona, AC Milan, Paris Saint-Germain)

23=Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL: Andrés Iniesta (Barcelona)

22 Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL: Arjen Robben (Chelsea, Real Madrid, Bayern München)

21= Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL:Xabi Alonso (Real Sociedad, Liverpool, Real Madrid, Bayern München)

21= Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL:Patrice Evra (Monaco, Manchester United, Juventus)

21= Kulan oo wareega 16ka kooxood ee UCL:Frank Lampard (Chelsea, Manchester City)

2-Ciyaartoyda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhalisay Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League:

Lionel Messi ayaa ilaa hadda ah xidiga goolasha abid ugu badan ka soo dhaliyay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league wuxuuna ku hogaaminayaa 21 gool oo uu heerkan ka soo dhaliyay wuxuuna dhamaan goolashan u soo dhaliyay Barcelona.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xidiga labaad ee goolasha ugu badan ka soo dhaliyay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League isaga oo kooxaha Manchester United iyo Real Madrid u soo dhaliyay 17 gool oo heerkan ah halka Thomas Muller oo Bayern Munich ahi uu kaalinta saddexaad ugu jiro 10 gool oo uu ka soo dhaliyay heerkan.

Karim Benzema oo kooxaha Lyon iyo Real Madrid 8 gool uga soo dhaliyay wareega 16ka kooxood ee UCL, Thiery Henry oo si la mid ah 8 gool u soo dhaliyay Arsenal iyo Barcelona iyo waliba Arjen Robben oo Chelsea iyo Bayern Munich 8 gool u soo dhaliyay ayaa liiskan qaybta hore kaga soo jira. Liiska oo kooban halkan kaga bogo.

21 Gool Oo Wareega 16ka UCL Ah:  Lionel Messi (Barcelona)

17 Gool Oo Wareega 16ka UCL Ah Cristiano Ronaldo (Manchester United, Real Madrid)

10 Thomas Müller (Bayern München)

8= Gool Oo Wareega 16ka UCL Ah Karim Benzema (Lyon, Real Madrid)

8= Gool Oo Wareega 16ka UCL AhThierry Henry (Arsenal, Barcelona)

8= Gool Oo Wareega 16ka UCL AhArjen Robben (Chelsea, Bayern München)

7 Gool Oo Wareega 16ka UCL AhRobert Lewandowski (Dortmund, Bayern München)

6= Gool Oo Wareega 16ka UCL AhSamuel Eto’o (Barcelona, Internazionale Milano, Chelsea)

6= Gool Oo Wareega 16ka UCL AhMario Gomez (Bayern München)

6= Gool Oo Wareega 16ka UCL AhZlatan Ibrahimović (Barcelona, AC Milan, Paris Saint-Germain)

6= Gool Oo Wareega 16ka UCL AhRobin van Persie (Arsenal, Manchester United)

3-Ciyaartoyda Hal Kulan Oo Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League Ah Goolash Ugu badan Ka Dhaliyay:

Markale Lionel Messi ayaa wareega 16ka kooxood ee UCL ku haysta goolasha ugu badan ee uu ciyaartoy hal kulan ka dhaliyay oo heerkan ah isaga oo kooxda Bayer Leverkusen 5 gool hal kulan kaga dhaliyay waxaana ku soo xiga Mario Gomez oo kulankii Bayern Munich iyo Basel afar gool ka dhaliyay.

Haddaba halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda goolasha ugu badan hal kulan  ka soo dhaliyay ee wareega 16ka kooxood ah ee UCL:

5 Gool- Lionel Messi (Barcelona v Bayer Leverkusen, 07/03/12)

4 Gool- Mario Gomez (Bayern München v Basel, 13/03/12)

3= Gool- Sylvain Wiltord (Lyon v Werder Bremen, 08/03/05)

3= Gool- Adriano (Internazionale v Porto, 15/03/05)

3= Gool- Nicklas Bendtner (Arsenal v Porto, 09/03/10)

3= Gool- Robin van Persie (Manchester United v Olympiacos, 19/03/14)

3= Gool- Pierre-Emerick Aubameyang (Dortmund v Benfica, 08/03/17)

4-Ciyaartoyda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Labada Kulan Ee Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions league:

Markale Lionel Messi ayaa haysta goolasha ugu badan ee hal xili ciyaareed laga soo dhaliyay labada kulan ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League isaga oo isla xili ciyaareedkii 2011/12 kii kooxda Bayer Leverkusen labadii kulan kaga dhaliyay 6 gool. Shan gool oo uu ka dhaliyay kulanka uu rekoodhka guud ku haysto ayuu raacsaday goolka uu markale ku haysto rekoodhka labada kula ee wareega 16ka UCL.

6 Gool- Lionel Messi (Barcelona v Bayer Leverkusen, 2011/12)

4=Gool- Mario Gomez (Bayern München v Basel, 2011/12)

4=Gool- Cristiano Ronaldo (Real Madrid v Schalke, 2013/14)

4=Gool- Wayne Rooney (Manchester United v AC Milan, 2009/10)

4= Gool-Sylvain Wiltord (Lyon v Werder Bremen, 2004/05)

Xogta Iyo Rekoodhada Heerka Kooxood ee UEFA Champions League Wareegiisa 16ka Kooxood:

Haddii aan intaas hore ku soo dhaafno xogta iyo rekoodhada heerka ciyaartoyda ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League, aan markan soo qaadano kooxaha ku suntan taariikhda wareegan ee heerka kooxood iyo rekoodhada khaaska ah ee loo diwaan galiyay.

1-Kooxaha Kulamada Ugu Badan Ka Soo Muuqday Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League:

Tan iyo markii uu magaca UEFA Champions League loo bixiyay tartanka kooxaha Yurub waxaa kulamada ugu badan ee wareega 16ka kooxood ka soo ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Real Madrid oo min 14 jeer ka soo muuqday inkasta oo ay Real Madrid todobaadkan noqon doonto kooxda rekoodhkan kali ku noqon karta maadaama oo ay Gunners wax fursad ah u haysan.

Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ayaa min 13 jeer soo gaadhay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league iyaga oo markii 14 aad xili ciyaareedkan ka soo muuqan doona. Kooxaha Chelsea, AC Milan, Manchester United, Lyon, Porto, Inter Milan iyo Juventus ayaa dhamaantood liiska ku soo baxay. Halkan liiska oo kooban kaga bogo.

14 Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league Ah.= Arsenal
14=Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league Ah Real Madrid
13=Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league Ah Barcelona
13= Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league AhBayern München
12 Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league AhChelsea
10 Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league AhAC Milan
9= Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league AhManchester United
9=Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league Ah Lyon
9= Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league AhPorto
8= Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league AhInternazionale Milano
8= Jeer Oo Wareega 16ka UEFA Champions league AhJuventus

2-Kooxaha Guulaha Ugu Badan Ka Soo Gaadhay Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ee Isku Darka Labada Kulan ee lugta hore iyo lugta labaad:

Tan iyo markii magaca UEFA Champions League loo badalay magaca tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee isku darka kulamada lugta kowaad iyo lugta labaad, waxaana guulaha ugu badan ee wareega 16ka koxoood soo gaadhay Barcelona oo 11 guulood rekoodhkan ku haysata ee wadarta labada kulan, waxaana ku xigta Bayern Munich oo 10 guulood heerkan ku soo gaadhay halka kooxaha Real Madarid iyo Chelsea ay min 8 guulood ugu soo xigaan.

11-Guulood- Barcelona
10 Guulood-Bayern München
8= Guulood-Chelsea
8=Guulood- Real Madrid
6 Guulood-Manchester United
5= Guulood-Arsenal
5= Guulood-Juventus
5= Guulood-AC Milan
4= Guulood-Atlético Madrid
4= Guulood-Internazionale Milano
4=Guulood- Liverpool
4=Guulood- Paris Saint-Germain
4=Guulood- Lyon

4-Kooxaha Guuldarooyinka Ugu Badan Ee Wareega 16ka Kooxood Ee UCL Ay Soo Gaadhay:

Arsenal ayaa ah kooxda rekoodhka ugu liita ku leh guuldarooyinka wareega 16ka kooxood ee UCL iyada oo 9 xili ciyaareed guuldarooyin la kulantay waqtiyadii ay tartankan qaybta ka hayad, mana jirto koox kale oo guuldarooyinkan oo kale ku soo gaadheen heerkan.

Real Madrid iyo FC Porto ayaa ah kooxaha ku soo xiga ee kulamada ugu badan guuldaro la kulmay wareega 16ka kooxood ee UCL iyaga oo min 6 jeer soo guuldaraysatay. Kooxaha AC Milan, Lyon, Bayer Leverkusen, Chelsea iyo Inter milan ayaa liiskan qayb ka ah.

9 Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah:  Arsenal
6=Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah: Real Madrid
6= Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah:Porto
5=Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah: AC Milan
5= Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah:Lyon
4=Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah: Bayer Leverkusen
4=Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah: Chelsea
4= Guuldaro Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah:Internazionale Milano

4-Kooxaha Guulaha Ugu Badan Ka Soo Gaadhay Hal Kulan Oo Wareega 16ka Kooxood ee UCL Ah:

Barcelona ayaa markale ah kooxda guulaha ugu badan ku go’aamisay hal kulan ee wareega 16ka koxood ee UCL iyada oo aan u baahan in ay ku soo baxdo sharciga goolasha martida ah waxayna Barca soo gaadhay 18 guulood halka Bayern Munich iyo Real Madrid ay min 13 jeer kaalinta labaad ku wadaagaan. Liiska halkan ka sii akhriso.
18 Guulood  Barcelona
13= Bayern München
13= Real Madrid
11 Arsenal
8= Chelsea
8= Juventus
8= Lyon
8= Manchester United

5-Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League:

Kooxda Bayern Munich ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka soo dhalisay wareega ay haddaba isku diyaarinayso ee 16ka kooxood ee UCL iyada oo Munich 65 gool wareegan ka soo dhalisay waxaana ku sii xogta Barcelona oo kaalinta labaad ugu jirta 60 gool oo ay isla wareegan ka soo dhalisay.

Real  Madrid oo kaalinta saddexaad ku jirta ayaa wareegan ka soo dhalisay 46 gool halka Arsenal ay 34 gool ka soo dhalisay waxaana ku sii xigta Chelsea oo 33 gool wareegan ka soo dhalisay waxaana liiskan kooxaha goolasha ugu badan ka soo dhaliyay wareegan dhamaystiray Juventus iyo Lyon oo min 25 gool soo dhaliyay.

65  Gool- Bayern München
60  Gool- Barcelona
46  Gool- Real Madrid
34  Gool- Arsenal
33 Gool-Chelsea
25= Gool- Juventus
25= Gool-Lyon

6- Kooxaha Goolasha Ugu Badan Looga Soo Dhaliyay Wareega 16ka Kooxood ee UCL:

Arsenal ayaa ah kooxda dhibanaha ugu wayn u soo noqotay wareega 16ka kooxood ee UCL ee goolasha ugu badan looga soo dhaliyay waxaana shabaqa Gunners la huwiyay 42 gool oo wareegan ah waxaana kaalinta labaad ku wada jira Real Madrid iyo Bayern Munich oo min 32 gool isla wareegan looga soo dhaliyay.

7-Kooxaha Barcelona, Bayer Leverkusen iyo Chelsea ayaa dhamaystiray kooxaha ilaa hadda goolasha ugu badan looga soo dhaliyay wareega 16ka kooxood ee UCL:

42 Gool- Arsenal
32= Gool- Real Madrid
32= Gool- Bayern München
30 Gool- Barcelona
27 Gool-Bayer Leverkusen
26 Gool-Chelsea

8-Kooxaha Guulaha Ugu Waa Wayn Ka Soo Gaadhay Wareega 16ka Koxoood ee UCL:

Kooxda Bayern Munich ayaa ah boqorada guulaha ugu waa wayn ka soo gaadhay wareega 16ka kooxood ee UCL iyada oo saddex xili ciyaareed oo kala duwan guulo ku gaadhay goolal 7 ah. Ugu horayn waxay 7-0 ku xaaqday FC Basel 13/03/12 kii waxaana ugu xigay kulankii ay isla 7-0 ku gumaaday kooxda Shakhtar ee la ciyaaray 11/03/15.

Laakiin markale Bayern Munic hayaa 7-1 ku xaaqday kooxda Sportig kulankaas oo la ciyaaray 10/03/09 waxaana isla natiijada 7-1 liiskan ugu jirta Barcelona oo Bayer Leverkusen ku garaacday 07/03/12. Ma jiraan kooxo kale wareega 16ka kooxood ee UCL guulo sidan u waa wayn gaadhay oo aan Bayern Munich iyo Barcelona ka ahayn.
7-0= Bayern München v Basel (13/03/12)
7-0= Bayern München v Shakhtar Donetsk (11/03/15)
7-1= Bayern München v Sporting Clube (10/03/09)
7-1= Barcelona v Bayer Leverkusen (07/03/12)

9-Kooxaha Wadarta Labada Kulan Oo Guulaha Ugu Waa Wayn Ah Ka Gaadhay Wareega 16ka Kooxood ee UCL:

Bayern Munich ayaa markale ah kooxda isku darka labada kulan ee wareega 16ka kooxood ee UCL guulaha ugu waa wayn gaadhay iyada oo wadarta labada kulan ku soo baxday 12-1 waana kulamadii ay Sporting ceebta wayn u gaystay kaas oo ahaa xili ciyaareedkii 2008/09. Liiska oo iyo natiijooyinkii halkan ka sii akhriso.

12-1 Bayern München v Sporting Clube de Portugal (5-0, 7-1) 2008/09
10-2= Lyon v Werder Bremen (3-0, 7-2) 2004/05
10-2= Barcelona v Bayer Leverkusen (3-1, 7-1) 2011/12
10-2= Bayern München v Arsenal (5-1, 5-1) 2016/17

10-Rekoodhka Kooxdii Guuldaradii Ugu Waynayd Ee Kulanka Lugtii Hore ee Wareega 16ka kooxood ee UCL Ka Soo Kabsatay:

Barcelona ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee wareega 16ka kooxood ee UCL ka soo kabsatay guuldaradii ugu waynayd ee lugtii hore ee heerkan ku soo gaadhay markaas oo ay guuldaro 4-0 ahi ka soo gaadhay PSG kulankii hore laakiin kulankii lugtii labaad ayay Barcelona 6-1 ku xasuuqday Paris Saint-Germain si ay u abuurto taariikh iyaa gooni u ah.

11-Kaadhkii Casaa Ee Ugu Deg Dega Badnaa Wareega 16ka Kooxoo Ee UCL:
3 saddex daqiiqo iyo 59 ilbidhiqsi:  Olexandr Kucher (Shakhtar v Bayern) 11/03/2015

12-Kulamadii Waqtiga Dheeriga Ahaa Lagu Go’aamiyay Wareega 16ka koxoood Ee UCL:
Juventus 0-1 , 2-0 Real Madrid (2-1 wadarta) 2004/05
AC Milan 0-0 , 1-0 Celtic (1-0 wadarta) 2006/07
Paris Saint-Germain 1-1 ,  2-2 Chelsea (3-3 agg, Sharciga goolasha martida ah) 2014/15
Bayern Munich  2-2 , 4-2 Juventus (6-4 wadarta) 2015/16
Chelsea 1-3 , 4-1 Napoli (5-4 wadarta) 2011/12

13-Kulamada Rekoodhayaal Lagu Go’aamiyay Ee Wareega 16ka Kooxood ee UCL:
Fenerbahçe 3-2 Sevilla (5-5 Wadarta) 2007/08
Schalke 4-1 Porto (1-1 Wadarta) 2007/08
Arsenal 7-6 Roma (1-1 Wadarta) 2008/09
APOEL 4-3 Lyon (1-1 Wadarta) 2011/12
Atlético 3-2 Leverkusen (1-1 Wadarta) 2014/15
Atlético 8-7 PSV Eindhoven (0-0 Wadarta) 2015/16

Haddaba akhriste xogtee ayaa si gaar ah kuu cajabisay intii aad akhrisay warbixintan aanu idiinka soo diyaarinay xogta ciyaartoyda iyo kooxaha ee taariikhda UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood ee ka hor kulamada todobaadkan la ciyaarayo?.

Fikradaada waxaad noogu reebi kartaa qaybta fariimaha sidoo kale asxaabta kale ee barbaraha bulshada la sheer garee warbixinta.

DIYAARINTII: Mahamoud Batalaale

Xuquuqda warbixintan waxa leh: GOAL24.NET


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.