Wargeyska Corriere dello Sport Oo Shaaciyey In Liverpool Ay La Xidhiidhay Goolhaye Donnarumma

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dagaal u gelaysa inay hesho goolhayaha kooxda AC Milan, Gianluigi Donnarumma.

Sida uu qoray wargeyska Corriere dello Sport, Liverpool oo taagan finalka tartanka Champions League oo Real Madrid ay ku ballansan yihiin magaalada Kiev, in marka uu suuqu furmo ay u dhaqaaqayso goolhayaha da’da yar ee AC Milan ee Donnarumma, kaas oo goolhayaha koowaad ay ku dagaallami doonaan Loris Karius.

Wargeysku waxa uu xusay in wakiilka Donnarumma oo lagu magacaabo Mino Raiola uu raadinayo dariiqii uu goolhayahan kaga kaxayn lahaa Milan ee uu ku geyn lahaa koox tartamaysa oo uu lacag badanna ka helo.

19 jirkan oo xagaagii diiday dhawr kooxood oo dalabyo usoo bandhigay, ayaa wakhtigaas qalinka ku duugay heshiis cusub, waxaase uu xili ciyaareedkani ugu dhamaaday dhalleecayn loogu jeediyey kulankii finalka Coppa Italia oo goolal badan oo uu qaban karayey ay ka dhasheen iyo kulamo kale, kuwaas oo warbaahinta Talyaanigu tibaaxayso in 11 dhibcood oo AC Milan ka luntay uu isagu sababtooda lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool oo xagaagii hore ka baqaysay inay ku dhacdo sharciga dheelli-tirka dhaqaalaha FIFA ee loo yaqaano FFF, ayaa haddii ay ku guuleysato koobka Champions League waxay heli doontaa lacag badan oo ay ku iibsan karto ciyaartooyo, waxaana yoolkoodu saaran yahay weeraryahanka kooxda Lyon ee Nabil Fekir iyo goolhaye Donnarumma.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.